WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno: Khaliijka oo Xilli Dhow Noqonaya Goob aan Ku Habooneyn Deegaan

Saynisyahanno heer Caalami ah ayaa sheegaya in isbedelka cimillada adduunka meelaha ugu daran ee laga cabsi qabaa ay yihiin wadamada Khaliijka oo la filayo in muddooyinka soo aaddan ay noqdaan goobo aan ku habbooneyn deegaan.

Sida uu daabacay journaalka la yiraahdo Science Advances, saynisyahanno ayaa u sheegay joornaalka in heerkulka sii kordhaya iyo heerka hawo xumada oo isasoo taraysaa in ay ka dhigayso India iyo Khaliijka goobo aan ku habbooneyn nolosha xilliyada dhaw ee soo aaddan.

Al-Fatix al-Daahir oo ka tirsan mac’hadka Massachusetts ee teknoloojiyadda ayaa yiri: “Waxaa ku nool 1.5 Bilyan oo qof goobahaas(Bariga dhexe iyo India), inta badan dadka dagani waxy ku tiirsan yihiin beeraha si gaar ah taas oo u baaahan ilaalin joogto ah iyo in qorraxda loo istaago, taas oo ka dhigaysa dadka daggan koonfurta Asia meelaha ugu daran ee ay saameynaso isbedelka cimilada”.

Daahir ayaa labo sanno ka hor sheegay in dowladaha Khaliijka saameynta isbedelka cimiladu  xooggiisa ku soo gaari doono 70 sano ee soo aaddan, waa haddii la hirgelin waayo heshiiska isbedelka cimilada ee Paris lana xakameyn waayo isbedelka cimilada adduunka.

Culumadan ayaa tilmaamaya in haddii si wanaagsan loogu guntan waayo arrinta isbedelka cimillada saameynta ugu badan uu soo gaari doono dadka India oo kobaca dhaqaalahoodu uu istaagayo taasoo ay ka dhalaneyso cawaaqib xumo muwaadintiinteeda dalkaas ee mustaqbalka dhaw.

Maandeeq FM

Related Articles

Close