DugsiyadaWararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada Puntland oo Ku Dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad

Wasaaradda Waxbarashada dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8aad ee sanad dugsiyeedka 2016/2017.

Madaxa waaxda imtixaanaadka ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo sheegay in sanadkan hoos u dhac uu ka muuqdo natiijada guud ee baasidda imtixaanka, isagoo kusoo talo jeediyay in la hagaajiyo kormeerka iskuulaadka si loo tayeeyo maaddooyinka qaar oo kobcin u baahan sixidda imtixaankana ay ka dheehdeen arrimo badan oo wax ka qabasho mudan.

Axmed Maxamuud Warsame (Saahid) oo shalay galankii dambe saxaafadda la hadlay ayaa ugu horreyn ka hadlayay tirada arday sanadkan imtixaanka gashay iyo saamiga wiilasha iyo gabdhaha:

“Imtixaanka waxaa galay 8800 oo arday oo u kala go’naa 5215 wiil ah, 3585 gabdhood, waxaa imtixaanka gudbay wiilal dhan 4529 iyo gabadho dhan 3110 oo markii la isku geeyay 7739, imtixaanka waxaa ku dhacay 527 wiil, 425 gabdhood oo marka la isku geeyo 952, waxaana ka maqnaa 109 arday, saamiga gudbidda imtixaanku 88%, saamiga dhiciduna 11%, saamiga maqnaanshuhuna waxa uu ahaa 1%, saamiga gabdhaha gudbay waxay ahaayeen 35%, wiilashuna waxay ahaayeen 52.6%, sanadkii hore ardaydu waxay ku baaseen 69.20, halka sanadkaan ardaydu ay keeneen guud ahaan 42.62, taas oo muujineysa hoos u dhac weyn oo iyagana ku yimid”.

Waxa uu sheegay in sanadkan ay ku soo korortay iney heleen warbixinta arday sifooyin aan sharci ahayn loosoo bootiyay imtixaankoodiina ay xanibeen iskuulaadkaasna ay digniin gaarsiiyeen si aan arday loo bootin:

“Waxaa sanadkan imtixaanka saa’id ku ahaa natiijooyin arday soo booday oo iskuullada qaarkood lagu soo arkay oo warbixinno rasmi ah laga soo gudbiyay, guddoomiyeyaasha gobollada iyo dagmooyinku kasoo gudbiyeen oo iyagana natiijadoodii tallaabo laga qaaday kadib markii la xaqiijiyay boodadaas lana baabi’iyay”.

Ugu dambeyn, waxa uu ka hadlay talooyin ay ku soo jeedinayaan in kormeerka la badiyo si tayada waxbarashada loo hagaajiyo.

“Imtixaanaadku waxay soo gudbinayaan talooyin la rabo wasaaraddu iney ka qaaddo si loo tayeeyo imtixaanaadka iyo natiijada ardayda,  in la xoojiyo tayo dhowrka maaddoyinka loona fududeeyo waaxahaasi iney gutaan waajibaadkooda waxay u baahan yihiinna lagu taageero”

 Maandeeq FM

Related Articles

Close