JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Dalxiiska Buugaagta: Sideed Ku Noqon Kartaa Qof Leh Xirfadda Hal-abuurnimo?

Kitaabkan waxaa qoray Dr. Maxamed Cabdiqani Xuseen Hilaal, iyadoo dabcaddiisii labaad ay soo baxay 1997, waa buug si weyn looga hadlay hibada qofka fikirka hal-abuuka ah leh looga baahan yahay, si akhristayaashu u noqdaa dad ku tababarta hal-abuurka kana soocan bulshada inteeda kale.

Dr. Maxamed ayaa buuggiisan waxa uu uga hadlay sida looga soo saaro dadka hibada hal-abuurka ah, waxaa jira dad badan oo hal-abuurkooda uga gaabiya cabsi ay ka qabaan mustaqbalka xaaladda ay ku jiraan ayayna isku dhiibayaan, waxayna illoobayaan waaqica ah si kasto waxa aad ganacta ku haysaa uu munaasab u yahay waxaa jira wax ka fiican oo uu mustaqbalku wado.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa googooska kitaabka “Waxyaabaha looga baahan yahay fikirka Hal-abuurka” oo kooban:-

1 – Waligaa ha dareemin inaad tahay qof aan hal-abuur lahayn, hal-abuurku wax lakala dhaxlo maaha, qof kastaana waxa uu awoodaa inuu horumariyo awooddiisa Hal-abuurnimo haddii uu dareemo oo uu fahmo xaqiiqda hal-abuurku waxa uu yahay.

2 – Qofka hal-abuurka leh waa shakhsi jecel wax akhriska waana qof raadiya wax ka maqan, waxa uu akhriyaa waxa uu arko, wixii caqligiisa gali waaya ayuu dood ka keenaa waxyaabo cusub ayuu tijaabiyaa, waxa uu isku dayaa tijaabada hibooyin badan.

3 – Qofka hal-abuurka leh wax aan la garaneyn kama baqo inuu aqbalo, waxa uuna raadiyaa oo  baaraa waxyaabaha aan la garaneyn, waxuuna dareemaa in waxyaabo wanaagsan oo sugayaana uu jiro. Waxa uuna fishaa xilli kasta mustaqbal ifaaya oo aad u wanaagsan.

4 – Xilli kasta waxay baadi goobaan dadka hal-abuurka leh waxyaabo cusub, mar kasta waxay ka fikiraan waxyaabo cusub iyagoo caqligooda kasii qiimeeya natiijada la filan karo, waa arrinta ugu muhiimsan ee qofka hal-abuurka leh, waxaana u kala saaran waxyaabaha sare iyo kuwa kale ee meelaha hoose u horseedaya.

5 – Dhibaatooyin kasta oo soo wajaha kama daalaan iney heersare gaaraan hal-abuurnimadoodana ay sii wataan, waa haddii uu qofku aaminsan yahay in hal-abuurnimada iyo cusbooneysiintu ay aasaas u tahay guulaha gaarka ah iyo tan mihnadaada ee shakhsiga.

6 – Marnaba haka baadin yoolka aad hiigsaneyso bedel wadiiqada aad raacayso laakiin ha bedelin hadafkaaga aad hiigsaneyso.

7 – Yoolkaaga  ka dhigo inaad ka shaqeyso sidii aad ku gaari lahayd hadafkaaga ugu muhiimsan ha ku mashquulin waxyaabo kale oo meelaha hoose ah. Xilliyo gaar ah naftaada sii oo naso, xilliyada qaar ayay kalinimadu wanaagsan tahay, teendhadaada gaarka ah sameyso si aad u fakarto xilliyada aad caqabado dareento amaba xilliga isbedelku lagama maarmaanka yahay, wax ka muhiimsan dunida ma jirto in la gaaro xilligii aad fulin lahayd fikir gaar ah oo aad in muddo ah haysay.

8 – Waxaan u baahannahay isbedel mustaqbalka ma sameyn  karno illaa hadda aan bilowno mooyaane. Xilliyada qaar dabacsanaantu waa waji kale oo ra’yi sugnaan la’aantu leedahay, labo-labayntuna waxba ma kala goyso oo go’aan maaha, waxyaabihii hore waxba kama bedeli karto, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan go’aan yeelato aragtidaaduna ay caddato.

9 – Waajibaadka nolosheenna inaga saran ee lama taabtaanka ah waa inaan nafteenna u sameynno  duruufta ugu habboon ee noo suurtogalineysa inaan gaarno guulaha ugu waaweyn ee ina horyaalla nolosheenna.

10 – Ma jiro wax la yiraahdo moolka fashilka iyo buurta lama galaay, laakiin waxaa jira caqli aan leenahay oo naga ilaalin kara inaan ku dhacno moolka fashilka ama quusta, waxaana gaari karnaa waxa ugu sarreeya ee ugu macquulsan.

11 – Naftaada u samee diyaargarow maskaxeed oo heersare ah, u diyaargarow inaad la falgasho caqabadaha, inaad waajahdo caqabadaha ka dhigo istiraatiijiyad cusub si aad uga samakorto markalena ayna kaaga horimaan.

12 – Taxaddarka dheeraadka ah iyo xishoodka saa’idka ah haka dhigin iney kaa hor istaagaan xalka aad adigu hayso, mushkilaadda oo la xalliyo waa arrin aaney ka fursaneyn caqabadaha ka horyimaadda hoggamiyeyaasha si gaar ah.

13 – Waxaa waajib ah inaad leedahay rabitaan inaad wax kororsato ah hareerahaaga iyo dadka kale. Naftaada kula xiriir inaad su’aalo waydiiso. Hadilin fikradda marka ay maskaxaada ka dhalato, ha ku qoslin naftaada marka waxyaabo layaableh aad ku fakarto ama waaqica ka fog, waa xaq fikradeed ay naftaadu ku siiso ee haka tanaasulin, haddiise ay sidaasi dhacdo wax suurtogal ah ayaad ka dhex goobaysaa waxyaabo aan suurtogal ahayn.

14 – Haddii noloshu ay ku dhadhansiiyo dhibaatooyin culculus sug waxaa soo dhaw xilligii farajka, dadka guuleystay waa dad dhibaatooyinku ay soo maroojiyeen. Dadbadan ayaa guulaha ay gaareen kuu sheegay iney ka horreeysay dhibaatooyin culculus oo ay waxbadan oo qaali ah ku waayeen oo naftooda soo maray, duruuftu dadka ma sameyso ee dadku iyagaa duruufta sameeya.

15 – Hal-buurka waa isbedel joogto ah waxaa xilli kasta lagama maarmaan ah inaad hesho tababarro aad ku hormarineyso awoodda hal-abuurnimo ee  naftaada sii fursad ay ku eegto arrimaha qaar ee u baahan fikirka, hana ka tagin inaad qaar ka mid ah arrimahaas aad xalkooda hesho. Fulin la’aanta fikradaha muhiimka ah waxaa laga dhaxlaa caajis iyo waxqabad la’aan.

16 – Hal-abuurku waxa uu u baahan yahay inaad ku quudiso akhrin joogto ah iyo aqoon kororsi , fikir iyo falanqeyn joogto ah. Inaad isbedel sameysaa yaaney wax dhibaato ah kugu yeelan hal-abuurka waxa uu  ka dhigan yahay inaad wixii dadku yaqaaney ee caadiga ahaa aad ka guurto. Qofka hal-abuurka leh waa inuu tixgeliyo aragtida kala duwan ee asaagii ay qabaan, haddii kale waxa uu ka mashquulayaa himaladiisa oo mar kasta dood joog ah ayuu ku jirayaa.

Si kastaba, marka aad ogaato in hibada hal-abuurku ay tahay mid la kasbankaro albaabo badan ayaa kuu furmaya, saameyn wanaagsanna waxaad ku yeelanaysaa bulshada aad ku dhex nooshah maadaama xilli kasta hal-buur lagaa filayo. koobidda buugu kama dhigna aad wada akhisay, waxaad ka heli kartaa buugga Internetka luqadda uu ku qoran yahay waa carabi, laakiin buugaag la mid ah oo luqada aad taqaanno ku qoran ayaa badan oo markasta dunida yaalla.

Maandeeq FM

Related Articles

Close