TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Facebook aad Ma u Qabatintay? Daraasadan Cusub ayaa Sababta Arrintaa Kuu Faahfaahineysa.. Xalka Ugu Habboonna Kuusoo Gudbineysa

In badan oo ka mid ah dadka isticmaala barta Facebook-ga  way qabatimeen oo kamana fogaan karaan, hadaba daraasad cusub oo soo baxday ayaa sababta arrintaa kuu faahfaahineysa xalka ugu habboonna kuu soo gudbineysa.

Qof kasta oo inaga mid ah oo adeegsada baraha bulshada waa uu la qabsaday muddo koobanna ma moogaan karo, arrinkaas ayaa culumada ku khasbay iney daraasad ka sameeyaan, waxay heleen in Facebook si gaar ah dadbadan ay farxad iyo waxyaabo soo jiidasho leh ay ka helaan arrintaasina ay tahay tan keenaysa iney xilli kasta ku mashquulaan.

Sida ay sheegayso jariidada The Independent, cilmibaaristan cusubi sida ay sheegayso, culumadu waxay ogaadeen sababta aad markasta u furato Facebook-ga uu yahay in qofku marka uu bartiisa gaarka ah uu galo uu dareemayo farxad iyo raalli ahaanshiyo dhanka nafta ah.

Cilmibaarayashu waxay arkeen in wax kasta oo ku saabsan Facebook sida logo-da gaarka ah waxyaabaha xiisaha leh ee lasoo dhigo dhammaantood ay qofka farxad galiyaan, iyadoo ay taa sii dheer tahay profile qofka oo adeegsada waxyaabha ugu muhiisan uguna qurxoon ee uu haysto sida sawirada iyo naaneysta uu farxadda ku dareemayo, arrimahaas oo isbiirsadayna ay keenayaan in qofku uu xiilli kasta usoo xiiso Facebook.

Kadib marka ay dadku dareemaan inaan Facebook dani ugu jirin wakhti badanna uu ka luminayo in muddo ahna uu moogaado, waxa uu waayayaa, ayay yiraahdeen, dareenkii farxadda ee marka ay barta isticmaayaan ka heli jireen, waxayna si aad ah u jeclaadaan iney dib ugu soo laabtaan barta.

Daraasaddan ayaa hoosta ka xariiqaysa in la qabsiga barta bulshada ee Facebook uu ka daran yahay tan qabatinka waxyaabaha maandooriyaha ah sida Alcohol-ka, sigaarka, ….

Hadaba, Xalku Muxuu Yahay?

Cilmibaarayaasha ayaa xalka u arka iney yahay mid qura oo ah in dadku gabi ahaanba noloshooda kasaaraan Facebook oo gabi ahaanba ay iska xiraan barta oo ay ka saaraan barnaamijkeeda mobilka gacanta oo ay wataan.

Cilmibaarayaasha ayaa daraasaddan u sameeyay Laba qaabood, qeybta koowaad, waxay ka qeybgalayaasha ka codsadeen iney eegaan shey xiriir la leh bartooda Facebook sida astaana logo-da gaarka ah amaba wax kale oo soo jiidasho u leh, waxaa la weydiiyay dareenkooda, waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin, waxyaabaha ay arkeen.

Qeybta Labaad ee daraasaddan waxaa ka qeybgalayaasha laga codsaday iney qiyaasaan sida ay ugu xiisaan barta , waxayna ogaadeen in dadku ay xiiso xoogleh u hayaan barta. Taas oo markii ay wakhti badan ku lumiyaanna ay hadana dareemayaan caanaan gudaha naftooda ah oo ku saabsan wakhtiga ka lumay iyo waxyaabihii kale ee ay wakhtigooda uga faa’ideysan lahaayeen kuna horumarin lahaayeen naftooda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close