WararkaWaxbarashada

Imaaraatka oo Buug u Qeybinaya Ardayda Masar Bilowga Sanad-dugsiyeedka Cusub

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta  Masar Dr. Dhariq Shawqi ayaa ku dhawaaqay in sanad-dugsiyeedka cusub ee 2017-2018 la qeybin doono buugga “1000 hal-abuur iyo hal-abuur” oo lasiinayo arday kasta oo reer Masar ah, waana hadiyad dowladda Imaaratka ugu deeqday ardayda Masar.

Wasiirka ayaa sheegay in Buuggani yahay mid loogu talogalay in ardaydu akhristaan oo kaliya, ma ah mid lagu imtixaanayo dhamaadka sanad -dugsiyeedka, danta laga leeyahana waa in ardayga la jeclaysiiyo cilmiga iyo in lagu dhiirigeliyo hal-abuurka iyo wax curinta.

Buuggan ayaa ka kooban 300 oo bayj, waxaana ku qoran 1000 daahrog oo culamada Islaamku ku soo kordhiyeen horumarinta cilmiga dhinacyadiisa kala duwan, sida Caafimaadka, Farmashiyaha, Xisaabta Astronomy-ga iyo Chemistry-ga. Waxaanuu ka hadlayaa ilbaxnimadii hore ee Islaamka iyo kaalintii ay ku lahayd horumarinta cilmiga.

1000 hal abuur iyo hal abuur

Ugu dambeyn, Dowladda Imaaraatka ayaa xilliyadii dambe ku firficooneyd horumarinta akhriska caruurta dunida Carabta idoo sanad kasta qabta tartanka ugu ballaaran ee wax akhrinta Carabeed oo abaalmarinno qaali ah lagu bixiyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close