WararkaWaxbarashada

Waxbarashada Somaliland oo Gabi ahaanba Laga Saaray Style-kii Manaahijta Carbeed ee Mudada Dheer Ay Ku Socotay Waxbarashada Gaarka ah

Agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Muuse Maxamed Shire iyo madaxa kormeerka wasaaradda Xasan Cabdillaahi Rooble oo shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay iney gabi ahaanba ay soo dhamaatay Style-ka waxbarashada qaabka manaahijta carbeed ee 3 sano dugsiga sare lagu dhameynayay.

Agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahay Muuse Maxamed Shire oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in waxbarashada Somaliland ay sistamkeedu yahay Afarley sidaa darteedna aan mid kale la ogaan doonin:

“Waxbarashada Somaliland way soo dhaaftay xilligii tirada loo baahnaa waxaan raadineynaa tayo iyo toosin, tayadii iyo toosintiina waxay ku imanayaan iyadoo tubta Wasaaradda Waxbarashadu ku qotonto la raaco, taa macneheedu waxa weeye; maraaxilkii lasoo marayay xagga waxbarashada Somaliland waxaa u qoray 4,4,4, oo ah dugsiga hoose oo Afar sano ah ka dhexe oo Afar sano ah kan sare oo Afar sano ah.”

Agaasimaha ayaa tilmaamay iney jiraan dugsiyo bilaabay gees ka daaq oo dugsigii sare kusoo koobaya 3 sano oo kaliya, taasina ay hareer marsan tahay nidaamkii wasaaradda:

“Qolooyinka kale ee la xamanayo ee ama la hadal-hayo amaba ay waalidiinta iyo ardaydu ay doonayaan iney bedel u qaataan oo ay ka qaataan ka 4 sano fulinaya taasi waa calaacashaa oo timo kasoo baxeen wasaaradda waxbarashada siyaasaddeeda kuma jiro 3sano, waxaan ka ahayn farsamada. Waxaan uga digeynaa dugsiyada ku yaalla Somaliland ee bilaabay gees ka daaqaa ee siyaasadda wasaaradda waxbarashada ka baydhay ee saddex baanu ku dhigeynaa yidhaahda tallaabo sharciga waafaqsan oo siyaasadda wasaaradda waxbarashada waafaqsan ayaanu ka qaadaynaa.”

Dhanka kale, Madaxa kormeerka  Wasaaradda Xasan Cabdillaahi Rooble ayaa digniin u diray waalidiinta caruurta geysta iskuulaadka saddexda saro lagu dhameeyo dugsiga sare, iskuulaadkana waxa uu u sheegay in shatiyada ay kala noqon doonaan haddii ay ku arkaan in 3 sano ay ku dhameynayaan dugsiga sare:

“Dadweynaha waxaan ogeysiinaynaa haddii aad hadhowto calaacali lahayd oo ilmahaagu sidii kal hor ka hor shoobareyn lahaa wasaaradda waxbarashada nin kuu dugay kuma dilin ayaa la yiraahdaa, waanu kuu dugnay ubadkaaga ka adkow, wuxuu ku dhameysanayaa 12 sano ee waxbarashada Somaliland, cidaanu ka ogolnahay iney korbooddo sameysaana ma jirto, ciddii xadka gudubta anaguna waxaan kala noqoneynaa warqadda yar ee aqoonsiga ah ee horeyna aanuu document aan ugu kala qorannay, Jaamacadaha farriin baanu faraynaa shahaado aan soo marin xafiiska imtixaanaadka lama qaadan karo”.

Si kastaba, arrinta ayaa farriin cad u ah iskuulaadka waxbarashada ku dhiga habka manaahijta Carabta ee u sameysan 6,3,3 oo dugsiga sare lagu dhameeyo 3 sanno oo qura, dugsiga dhexena uu la mid yahay, haka dugsiga hoose uu 6sano yahay.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close