WacyigelinWararkaWaxbarashada

Adeegso Wadiiqooyinkan Heerka Sare ah… Si aad U Ogaato Taalantigaaga

Waxaa kala duwan takhasuska iyo sheyga aad hibada u leedahay ee cidkasta aad kaga dheerayn karto. waxaa laga yaabaa in takhususka dadku ku sinmaan laakiin waxay ku kala tagaan hibada iyo hal-abuurka taalantiga ah ee qofku leeyahay.

Sanadihii lasoo dhaafay dadyow badan ayaa ka howlgalay shaqooyin aan takhasuskoodii ahayn ama duruuf haku kallifto amaba jacayl uu shaqadaa u qabo iyo xiisayn jirta awgeed, sidaas oo ay tahay si wanaagsan uga soo dhalaalay oo meel fiican ka gaaray kadib markii ay arkay iney taalantigeedii leeyihiin isla markaan ay horumariyeen naftooda.

Hadaba si aad u ogaato taalantigaaga gaarka ah raac tallaabooyinkan hoose:-

1 – Naftaada la fariiso oo si gaar ah u xisaabtan, dib u noqo sanado ka hor xasuuso maalmihii iskuulkaaga xasuuso hiwaayadihii aadka u xiisayn jirtay, xasuuso maaddooyinkii aad xariifka ku ahayd, daabuurka iskuulka ma xiisan jirtay, gabayga ma ku wanaagsanayd, ma kooxda kubadda ee Iskuulka ayaad ka mid ahayd.

2 – Dib ugu laabo maalmahaagii  jaamacadda, maxaad si joogto ah u sameyn jirtay, ma ka qeybqaadatay doodo tartan ah oo dhanka khudbooyinka ah, mise waxaad ka mid ahayd maamulka midowga Ardayda.

3 – Naftaada waydii maxaad sameysaa xilliga aad firaaqada leedahay ee ka baxsan goobtaada shaqo, tusaale; haddii aad xiisayso akhrinta, Sports-ka, suugaanta, farsamada ….

4 – Haddii aadan horey usoo dhigay Iskuul amaba aadan xasuusan waayahaagii iskuulka iyo jaamacadda ogow wax dhibaato ah ma laha, hadda ka faa’ideyso wakhtigaaga oo qor hibadaadu waxay tahay oo ka faa’ideyso, fursaduna hadda ayay ugu habboon tahay oo hiwaadayaada aad ku horumarin kartaa.

5 – Si wanaagsan u fakar,tusaale ahaan, haddii aad qoraalka ku fiican tahay maalintii qor tiro cayiman oo bayjaj qoraal ah, qoraagii weynaa ee George Bernard Shaw oo mar la waydiiyay sababta uu caanka ku noqday isagoon waxbarashadiisii Iskuulka aan soo dhigan waxa uu yiri, “Waxaan nafteyda ku khasbay in maalin walba ay qorto 5 bayj oo qoraal ah, illaa aan kasoo gaaro heerka aad maanta igu arkaysaan”. Waxaanuu leeyahay oraah kale oo caan ah, “In badan dadku waxay eedeeyaan duruufta ku hareeraysan, anigu ma aaminsani duruuf wax la yiraahdo, nolosha waxaa ku guulaysta qofka raadiya duruufta uu doonayo, haddii uu waayana isagu u abuura”, ayaa ka mid ah hadalladii Bernard.

6 – Laga bilaabo maanta hibadaada horumari, sida adigoo maqaallada aad qorto u diraya saaxiibadaada shaqada amaba qoraallo ku sameeya joornaalka shirkadda aad ka howlgasho ama maqaallada aad qorto u dir jaraa’idka kale ee dalka, hadda bilow oo waligaa ha joogsan, dhaqaaq kasta waxaa ku jira barako iyo khayr, barrina waxaan kaa fiirin doonna meel sare iyo horumar buuxa.

Si kasta, qofka waxaa loo baahan yahay inuu horumarin joogto ah ku sameeyo hibadiisa, haddii kale waxay ku dhex dhimaneysaa cidna kama faa’ideysanayso, ogow in qof kasta Alle siiyay Talanti gaar ah oo uu dadka kale uu dheer yahay.

Maadeeq FM

Related Articles

Close