WararkaWaxbarashada

Tababarro Aqoon Kororsi ah oo Ka Socda Qaar Ka Mid ah Jaamacadaha Dalka

Tababarro ay ka qeybgalayeen arday wax ka barata jaamacadaha gobolka Banaadir iyo ganacsatada gobolka ah  ayaa todobaadkii Labaad waxa uu ka socdaa hoolka Jaamacadda Qur’aan al-Kariim ee magaalada Muqdisho.

Ardayda ka qeybgaleysa koorsooyinkan tababarka ah ayaa ku qaadanaya maaddooyin la xiriira macaamilka ganacsiga iyo waxyaabaha looga baahay yahay ganacsiga iyo macaamilkiisa.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Qur’aan al-Kariim Cabdalla Sabriye oo la hadal Maandeeq FM ayaa sheegay in tababarkan uu yahay midkii Labaad ee inta lagu gadajiro fasaxa xilli jaamacadeed kasta lagu qabto gudaha jaamacadda.

“Dowrooyinka ay jaamacaddu qabaneysay soo jireen ayay ahaayeen, markasta waxaan fiirineynaa baahaida meelaha aan isleenahay way ugu badan tahay ayaan si gaar ah diiradda u saari jirnay, dowrooyinkii fasaxa aan qabannay waxaa ugu soo horreysay dowro ka hadlaysay Faraa’idka amaba cilmiga dhaxalka, dowradaas oo muddo Bil ku dhaw socotay oo ay ka faa’ideysteen runtii arday 300 ku dhawayd, marwalbana waxaan u xulaynay macallim ama sheikh aan leenahay waa kan ugu wanaagsan faniga oo ka haqabtiri kara Ummadda u baahan”, ayuu yiri guddoomiyaha.

“Waxaa kusoo xigtay oo hadda goordhow soo gabagaboobi doonta siminaar ka hadlayay mucaamalaadka maaliyadeed ee dhaqaalaha iyo dhaqanka bulshada, Labo isbuuc ayaan ugu talogalnay iney ku dhamaato waana naga gabagabo. Waxaa ku xigi doona koorsooyin kale oo cilmi ah oo xoogga lagu saari doono meelaha aan is leenahay bulshadu way u baahan tahay.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ulajeeddooyinka Koorsooyinkan looga golleeyahay ayuu ku sheegay Aqoon kordhin ay u sameynayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kolba maadama ugu habboon iyo macallinka ugu wanaagsan usoo diyaarisa jaamacadda.

Ugu dambeyn, koorsooyinka noocan oo kale ah ayaa waxaa aad ugu baahan ardayda takhasuska ah iyo kuwa xirta ah ee masaajidda sida gaarka ah wax uga baratay.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close