WararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Faaiidooyinka Ay leedahay Tirada yar ee Ardayda Gudaha Fasalka Waxbarasho

Fasallada ay fadhiyaan ardayda tirada badan ayaa ah madax xanuunka ugu weyn ee haysta shaqooyinka macalimiinta iyadoo khabaradu ay ku doodayaan in arrintaasi dhaawacayso tayadii waxbarashada, markastana ay habboon tahay in tirada ardayga ee gudaha fasalka la yareeyo.

Daraasad laga sameeyay arrintan oo dhawaan lasoo badhigay ayaa lagu baaray guulaha iyo galdaloollada ay leedahay fasallada ay dhigtaan ardayda tirada yar ee magaalada New York, iyadoo ugu dambeynna ay kasoo baxday in iskuulaadka dowladda loogu baaqay iney yareeyaan tirada ardayda ee gudaha fasalka.

madaxa cilmibaaristan oo la yiraahdo  Michael Gilraine, ayaa saameyn ku yeeshay hoos u dhigista xajmiga fasalka 473 iskuul oo ku yaalla magaalooyinka, iyadoo daraasaddan lagu eegayay illaa fasalka lixaad. Waxa uu diirada saarey fasallada kor u kaca ama ka hooseeya 32 arday ee magaalada. Marka fasallada ay dhigtaan 32 ilaa 33 arday waxay u baahan yihiin ayuu yiri macallin cusub oo lagu kabi kii hore u joogay,  halka kuwa ka yar 33 ilaa 32 aaney macallin cusub u baahneyn.

Gilraine waxay ogaaday in marka fasalka la yareeyo kaliya afar arday, guulaha xisaabeed iyo akhrinta ee ardaygu ay xoogeysanayso, waa haddii ardaydu heleen laba bilood oo dheeraad ah waqtiga waxbarashada fasalka.

Daraasaddan ayaa lagu sheegay in mar kasta oo loo baahdo macallin cusub inuu kusoo biiro fasalka, kii horey u joogay waxa uu ka khibrad yaryahay 50%, maadaama macallinka hore karti iyo tartan lagu soo xushay halka kan cusubna uu ku yimid baahi jirta oo iskuulaadka fasallada ardaydu ku badan yihiin haysata awgeed.

Daraasaddan ayaa waxaa xigasho u ahayd mid kale oo la sameeyay 1980 oo laga sameeyay in ka badan 80 Iskuul oo ku yaalla gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka, waxaa lagu ogaaday in markasta oo ardayda fasalka dhigataa uu yaryahay waxbarashada ardayduna ay sii wanaagsanaaneyso.

Iyada oo dugsiyo badan oo dugsi oo ku yaal waddanka oo isku dayaya inay raadiyaan hab ka baxsan dhibaatada miisaaniyadda, tirada weyn ee fasalka ayaa ah mid aan ku dhowaan karin.

Si kastaba, Waxaan shaki ku jirin in iskuulaadka ay yartahay cufnaanta ardayda ee gudaha fasalku ay ka tayo fiican yihiin kuwa kale ee ardayda tirada badan ay dhigtaan fasalkiiba. sidaa darteed waxaa laga maarmaan ah in lagu daraalo sidii tirada ardayga fasalkii dhigataa uga yaraan lahayd 30 waa heerka caalamiga ah ee dunida kale.

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close