arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maxaad Kala Socotaa Halka Uu Marayo Tartanka Lagdinta Gacmaha ee Ka Socda Magaalada Muqdisho?

Waxaa magaalada Muqdisho si habsami leh uga socda tartanka lagdinta gacmaha oo markii ugu horreysay laga hirgeliyay gudaha magaalada  Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Tartanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada Ubaxa Caasimadda, qoryatuurka tartanka ayaa markii ugu horreeysay waxaa lagu sameeyay xarunta gobolka Banaadir, waxaana ku tartamaya illaa 16 dhalinyaro ah oo hadda is reebreebkoodu uu marayo meel gabogabo ah, dhalinyaradan tartameysa ayaa ka kala yimid dagmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Maxamed Xuseen Lafoole oo ah guddoomiyaha Ubaxa caasimadda ayaa noo sheegay in ula jeedka tartanka ay u qabteen uu yahay sidii loo dhiirigelin lahaa dhalinyarada si ay dunida ugu soo bandhigaan hal-abuurkooda:

“16 dhalinyaro ah ayaan diyaarinnay oo nooga soo baxay dhalinyarada magaalada Muqdisho ku nool, 16 kaa dhalinyaro iyaga naftarkooda waxaa kasoo bixi doona 3 dhalinyaro ah oo kaalinta 1aad, 2aad iyo 3aad ku guuleysanaya. Waa tartan qaabkaas u furan, markaa waxaan xaqiijinnay in magaalada Muqdisho lagu qabankaro, waana markii koowaad ee waddankeenna Soomaaliya lagu qabto iyo waliba gudaha magaalada Muqdisho.”

Tartankan ayaa waxa uu ku sheegay mid madadaalo ah oo dhiirigelin kaliya aan ku koobneyn:

“Marwalba waxaan diyaar u nahay in bulshadeenna iyo dhalinyadeenna la wadaagno fikrado cusub oo qurux badan oo dadka dhiirigelin kara, waxaan qabaneyno dhiirigelin kaliya maaha ee waxaa ku jira farxadgelin iyo madadaalo, kumanaan qof oo Soomaaliyeed ayaa ka daawanaya TV-yada Af-Soomaaliga ku hadla sidoo kale baraha bulshada, markaa waa barnaamij ballaaran oo qiimihiisa leh, waxaan ugu talogalnay inaan dhalinyaradeenna ku maamuusno.”

Waxa uu ka hadlay guddoomiye Lafoole farriinta ay gudbinayaan iney tahay dhiirigelinta muuqaalka-nabadda magaalada Muqdisho:

“Farriinta aan direynaa waxay tahay haddaan nahay dhalinyarada Ubaxa Caasimadda, tartankan muuqaalka nabadda waxaan ugu talogalnay inaan ku muujinno, nabad is dhexgal, dhiirigelin iyo muuqaalka saxda ah ee magaalada Muqdisho, run ahaantii waxaan rabnaa inaan la loolanno bulshooyinka caalaamka inaan dhan kasta kala loolanno, haddii ay ahaan lahayd tartamada noocaan oo kaleeto ah, xirfadaha dhalinyaradeenna ku jira, intii dhalinyaradeennu shaqo la’aan jidadka u joogi lahaayeen, waa inaan ku mashquulinno jirkooda, waa inaan ku mashuulinno xirfadahooda, waa inaan ku mashquulinno hal-abuurkooda, taas ayaan ku gaareynaa inaan bulshada caalamka la tartanno”.

Si kastaba, Tartanka ayaa hadda ka socda magaalada Muqdisho si habsami leh, dhammaadkiisana waxaa ka harsan Labo cisho oo qura, sida uu guddoomiyaha Ubaxa Caasimadu noo sheegay waxaana lasoo gabagabeyndoonaa 11 bishan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close