WararkaWaxbarashada

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Buug Cusub Kusoo Bandhigay Magaalada Muqdisho

Xarunta mac’hadka cilmibaarista Heritage Institute ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda bandhigga buug cusub oo uu qoray Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar kaas oo la magac baxay “Dimuqraadiyaddii ugu Horreysay ee Afrika”.

Prof. Cabdi ayaa buuggiisan ka qoray dimuqraadiyaddii ugu horreysay ee qaaradda Afrika ee ay hormuudka ka noqdeen madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka  Adan Cabdulle Cusmaan iyo Ra’isul wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku suntanaa iney ahaayeen madaxdii ugu horreysay ee qaaradda Afrika si silmi ah oo nabad ah ku wareejisa xukunka, kadib markii doorasho looga adkaaday.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa kusoo bandhigay buugga taariikh aan mugdi ku jirin ee ay lahayd Soomaaliya bilowga xilligii gobonnimada la helay, xilligaas oo ahayd markii dumuqradiyaddii ugu horreysay ee kasoo ifbaxda Afrika ay ka dhalatay dalkeenna, xilligaas oo wadamo badan oo qaaradda ah ay gacanta ku dhegeen xoriyadoodii kadib hogaamiyeyaal kaligood talis ah oo muddo badan xukunka iska haystay.

Soomaaliya waxay leedahay taariikh dheer oo dimuqraadiyad dhidibada u aastay oo ay hormuud ka ahaayeen madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Aadan Cabdulle Cusmaan  iyo Ra’isul wasaarihii ugu horreeyay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Prof. Samatar ayaa kaga hadlaya buugiisa dimuqraadiyadda Soomaaliya kadib sanado badan oo gumeysi ah oo uu dalku ku jiray. Iyadoo ay jirto xaaladdii ay hogaamiyeyaashii hore abuureen ee dimuqraadiyadda ahayd inaaney muddo dheer sii raagin; ayaa hadana waxay ka tageen dhaxal ma guuraan ah oo astaan wanaagsan u noqon karta dalalka badan oo Qaaradda ah.

Si kastaba, Bandhigga buuggan “Africa’s First Democrats: Somalia’s Aden A. Osman and Abdirazak H. Hussen” ayaa lagu casuumay aqoonyahanno siyaasiyiin si gaar ah loosoo xulay, kasoo qeybgalayaashu aad ayay uga heleen sidii uu Prof. Buugga usoo bandhigay, maadaama uu yahay  buugu mid si wanaagsan u taabanaya taariikhda ifaysa ee dalkeennu leedahay.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close