WararkaWaxbarashada

Puntland: Lacago Qaaraan ah oo Lagu Waajibiyay Arday Kasta Sanad-dugsiyeedka Cusub

 

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa ardayda kusoo rogtay lacago qaaraan ah fiiga waxbarashadana dheeraad ka ah oo lagu dhisayo wadada Ceel-daahir Ceerigaabo iyadoo bixinta lacagtaasina lagu tilmaamay iney tahay waajibaad qaran.

Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarasahda ahna xiriiriyaha wasaaradda iyo guddiga dhismaha wadda Ceel-daahir Ceerigaabo Maxamed Shirdoon oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa akhriyay bayaan kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Puntland oo waalidiinta lagu farayay iney ka qeybqaataan dhismaha wadada Ceel-daahir Ceerigaabo, waxaaney u qorneyd sida:-

1-  Waxaa si xushmadleh loogu wargelinayaa dhammaan waalidiinta iney qaaraanka wadada Ceel-daahir Ceergaabo iney ugu daraan bixinta Fiiga ardayda dugsiga iyo jaamacadaha bil kasta,

2 – Waxaa la farayaa dhammaan xarumaha waxbarasho ee guud ahaan gobollada Puntland iney si wadajir ah ardayga ay uga qabtaan lacagta fiiga ah iyo tan qaaraanka ah ee wadada Ceeldaahir Ceerigaabo.

3 – Xarunkasta oo waxbarasho waxaa la farayaa iney lacagta bilkasta ay si joogtaha u qaaddo ay usoo gudbiyaan guddiga wadada ee Ceeldaahir Ceerigaabo,

Hadaba, qoondada bil kasta la rabo inuu ardaygu uga qeybqaato dhismaha wadada Ceeldaahir Ceerigaabo waa sida hoos ku qoran:

a- Ardayda dhigata jaamacadaha iyo tacliinta sare ee wax ka barta gobollada Puntland waxaa bishii laga rabaa $1.25(Hal doolar iyo shan iyo 25 santi),

b -Ardayda dhigata dugsiyada sare waxay qaaraanka kaga qeybqaadanayaan $1 oo ay ku darayaan lacagta fiiga ah.

c – Dugsiyada hoose dhex ee guud ahaan gobolladu waxay ku darayaan $0.5.

Guud ahaan bahda waxbarashadu waxay lacagtaa iyada ah ku shubayaan Accounno loogu talogalay bahwadaagta waxbarashada. Ciddii fulinwaydo awaamiirtan waxaa loo sheegay in lagal laaban doono aqoonsiga wasaaradda.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay in lacagta fiiga ah ee la qaadayaa uu yahay waajibaad wadani ah oo madaxda sare ee maamulka kasoo fulay:

“Haddii $10 la bixinayay waa iney fiiga raacdaa, waxa lagula xisaabtamayaa waalidiinta maaha, ardayga maaha waa mas’uuliyiinta waxbarashada. Waajibkaa wadaniga ah ee illaa heerka ugu sarreysa ee dowladda kasoo fushay ineynu fullinno weeyaan.”

Si kastaba, amaradan cusub ee kasoo fulay wasaaradda waxbarashada Puntland ayaan la ogayn sida ay uga falcelin doonaan iskuullada iyo waalidiinta ardayda oo bixinta fiigan loogu sheegay inuu yahay waajibaad qaran.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close