WararkaWaxbarashada

XFS oo Sheegtay iney Dhiirigelinayso Dadka Leh Hal-abuurka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yarriisow) ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay dhiirigelineyso dadka hal-abuurka leh ee doonaya inay dalkooda wax cusub ku soo kordhiyaan.

Sida aan kasoo xigannay wakaaladda wararka ee Sonna, wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay 11 guurada ka soo wareegtay marka la aas aasay shirkadda SOCTEC oo qaabilsan bixinta adeegyada Teknoloojiyada casriga ah ayaa sheegay in dhallinta Soomaaliyeed looga baahanyahay iney noqdaan kuwa hal-abuur leh oo dalka wax ku soo kordhiya.

Eng Yarriisow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee leh hal-abuurka iney ka qeybqaataan horumarinta dalka, oo ay noqdaan kuwa banaanka soo dhiga hal-abuurkooda, si ay ugu faa’iideystaan dhallinyarada.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaanan sheegin qaabka ay u dhiirigelinayaan dadka Hal-abuurka leh, qorshaha dhiirigelineed ee xukuumadda uga dagsan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close