WararkaWaxbarashada

Hoos-u-Dhac 30% oo Laga Dareemayo Bilowga Sanad-dugsiyeedka Cusub Qaar Ka Mid ah Iskuullada Galguduud

Hoos u dhac 30% oo laga dareemayo bilowga sanad-dugsiyeedka cusub qaar ka mid ah Iskuullada Caabudwaaq ee gobolka Galmudug.

Gudoomiyaha guddoonka waxbarasho ee degmada caabud-waaq  Xasan Axmed Diiriye oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa waxa uu noo sheegay in  sanad dugsiyedkan cusub hoos u dhac uu ku yimid tirada ardayda dugsiyada ku yaala dagmada caabud-waaq ee gobolka Galgaduud waxaana arintaas loo sababenayaa abaartii ku dhufatay gobolka oo si weyn u saameysa.

Tuulooyinka Bangeeli iyo Balihood ayuu sheegay iney kamid yihiin tuulooyinka ay abaartu xirtay waxbarashada illaa iyo haddana aaney dib u furmin xili la gaaraybilowga sanad dugsiyedka cusub ee 2017/18.

“Sanad-dugsiyeedku wuu noo furmay iskuuladii waa lagu soo noqday, xagga abaarta ayaa saameyn nagu haysa mooyaane sida kaleeto waa la fiican yahay, hoos u dhac dhanka abaarta ah oo dadkii qaarkood fiiga iska bixin karin oo dugsida sare ee Iskuulladii waaweynaa saameyn ku yeelatay, maalin dhaweyd oo aan la kulamay maamule iskuullada ka mid ah waxa uu ii sheegay ugu yaraan 30% in dugsigoodii sare hoos u dhacay”, ayuu yiri guddoomiye Xasan.

Waxa uu sheegay inuu jiro qorshe ay doonayaan iney ku ogaadaan hoos u dhaca waxbarasho ee abaartu keentay:

“Waxaan damacsan nahay inaan ogaanno sanadkii hore iyo sanadkan farqiga noo dhaxeeya xagga hoos u dhaca ee abaartu saameysay, laakiin cabashada marka aad u fiirisid cabashadu waxay u badan tahay dadkii oo aan fiiga iska bixin karin oo sidaa waxbarashadii uga haraaya. Qaarkoodna aaney awoodi karin agabkii waxbarashada.”

Guddoomiye Xasan ayaa tilmaamay qaar ka mid ah waxyaabaha hoos u dhaca waxbarashada keenay iyo sida ay saameysay abaartii ku dhuftay guud ahaan gobolka:

“Waxay u saameysay qosyskii daganaa meel xaafada waxaa soo korfuushay Labo qoys oo kaleeto, kolkaa wixii yaraa ee soo galay ama qurbo haka helaan ama meel kale markii lala qeybsado, ma waxay ka fakaraan wixii ay cuni lahaayeen, iskuullada aan la taageerin ee waaweyn oo kaleeto inuu aabihii shanta caruurta ah lahaa marka la yiraahdo lacagtaas ayaa lagaa rabaa, dadkii kusoo kordhay ee familka ahaana ay ka rabaan quudin iyo inuu wax siiyo, waxay keenaysaa inuu iskuulkii iska bixin kari waayo oo uu yiraahdo ciyaalkii bal u kaadiya intay xaaladdu si noqoneyso.”

Si kastaba, Abaartii ku dhufatay dalka ayaa gobollo badan hadda kasoo kabanayaan, halka gobolka Galguduud uu ka mid yahay meelaha ugu daran ee saameynta abaartu wali kasii Muuqato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close