arrimaha bulshadaWararka

Computer Programming Ayay Baratay Iyadoo 83 jir ah …Waxaan Macquul ahayn Ayay u Babac Dhigtay

Masako Wakamiya oo ahayd shaqaale hore ee Bankiyada Japan qaarkood, ayaa dunida layaab ka sameysay kadib markii ay noqotay qofka ugu da’daweyn dunida ee barta cilmiga programming-ka oo ka mid ah culuumta ugu adag ee la barto.

Masako oo hadda howlgab ah ayaa da’deedu ay tahay 83 jir, waxaa loo aqoonsaday iney tahay qofka ugu da’daweyn ee barta Programming ka dunida oo dhan.

Sababtii ay ku gashay barashada Programming-ka ayaa waxaa lagu sheegay iney tahay, iney wayday barnaamijyo dhanka computer-ka ah oo dadka da’dweyn ay ku madadaalaan iyagana gaar u ah, sidaa darteed ayay goosatay iney ka mid noqoto dadka barnaamijyada computer-ka iyo ciyaaraha sameeya.

Waxay barnaamij u sameysay dadka da’doodu ka weyn tahay 60 jirka, barnaamijkan oo game ah  ayay kasameysa shakhsiyaad taariikh ku leh gudaha dalka Japan, ciyaarta ayaa dadka ciyaarayaa waxay isku keenayaan boqorka iyo martidiisa oo sida ay ukala mudan yihiin loo kala hormarinayo. Ciyaartan ayaa dhanka kale waxay tahay mid dhinaca kale, wax lagu barayo da’dayar ee soo koraysa taariikhdoodiina dib loogu xasuusinayo.

Shirkadaha teknoloojiyadda ayaa hadda raadinaya iney sameeyaan barnaamijyo cusub oo lacag looga sameynayo suuqa waayeelka, sidaa darteed Wakamiya waxay la kulantay agaasimaha shirkadda Apple oo u muujiyay inuu daneynayo hal-abuurkeeda isla markaana uu doonayo in maalgashi ku sameeyo. Wakamiya waxay fileysaa iney mustaqbalka waxyaabo badan ay soo kordhiso.

Programming-ka ayaa ka mid ah maaddooyinka ugu adag ee la barto, heerka ay ka gaartay ayaa ah kan ugu sarreeya maadama ay mareyso iney design ku sameyso game cusub oo ay iyadu leedahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close