WararkaWaxbarashada

Waxbarashada Online-ka ah Waa Isku Xiraha Afrika iyo Jaamacadaha Ugu Wanaagsan Dunida

Waxbarashada Online-ka ah  ee internet-ka waa isku xiraha Qaaradda Afrika iyo Jaamacadaha dunida ugu wanaagsan oo maanta u heellan iney arday kasta qaabilaan ee waxbarashada u qalma iyadoo aan la tixgelinayn Juqraafi ahaan iyo waddanka uu kasoo jeedo.

 Bill Gates ayaa khudbad uu u jeediyay hay’addiisa dhanka tabarucaadda  sheegay sanadkii 2015-ka , in waxbarashada heer caalami ah ay noqon doontaa mid xuduudda dowladaha dhaafta oo qof kastaa uu dunida meel kasta ha joogee uu wax ka baran doono jaamacadaha dunida ugu tayada wanaagsan. Warka muhimadiisa ugu weyni ayaa ah  in waxbarashada internetka iyo ku barashada aaladda internetka ay awood u leeyihiin in ay ka gudbaan caqabadaha juqraafiyeed si loo xiro farqiga xirfadeed iyo in  la hubiyo in qof kasta oo Afrikaan ah oo isticmaalaya internetka uu heli karo waxbarasho tayo leh oo wanaagsan.

Waxbarashada sare ee qaaradda Afrika aad ayaa looga gaabiyay, Qaramada Midoobay mid ka mid ah yoolkeeda horumarineed  ee sanadkii 2000 waxay ka dhigatay sidii loo kobcin lahaa waxbarashada sare ee Afrika. Madaxweynaha fulinta ee Global Businees School’s Network’s Guy Pfefferman ayaa tooshka ku iftiimiyay sababta tayo yaraan tacliinta heerka sare ee Qaaradda Afrika ay tahay waxbarashadii aasaasiga ahayd oo aaney caruur badani haysan, arrintaas oo caqabado badan ku abuurtay waxbarashadii sare maadaama tii hooseba maareyn fiican aan loo hayn.

Pfefferman ayaa qaba in wadiiqada ugu habboon ee waxbarashada sare ee qaaradda lagu tayaynkaro ay tahay waxbarashada Online-ka ah ee Internet-ka laga barto, waxaanuu qabtaa in waxbarashada sare ee Internet-ka laga helo ay qaaradda Afrika u horseedi doonto horumar ballaaran oo aad u muhiim ah.

Qarnigan aan ku jirno ee 21aad waxa uu wataa teknoloojiyad heer sare ah iyo tiro aan xad lahayn oo computer ah oo yaalla guryo badan oo Afrika ku yaalla, maalin kastana waxaa sii kordhaya baarugga qaaradda ee dhinaca teknooljiyadda . siddeed sanno ka hor Afrikada ku tallaa koonfurta  Sub-Sahara waxay heleen internet-ka viper optic-ga ah , laga soo bilaabo xilligaas qaaradda afrika kolba waxaa u soo kordhadayay khadad badan oo Cable-llo internet ah oo la dhigay xeebaha Bar iyo Galbeed ee qaaradda iyadoo sanad walba dowlad cusub ay gashaneyso internet-kaa xawaaraha sare.

Hadaba, Tallaabada Koowaad ee xiriirka waxbarashada e-learning Qaaradda Afrika ee Internetka oo ay ku jiraan MBA online  Master  ah amaba undergraduate degree waa : apps-for-learning.com. haddii aad hayso wax su’aal ah waydii oo kaliya iyaga ayaa kaaga soo jawaabay sida ugu dhakhsiyaha badan.

Ugu dambeyn, qof kasta isaga ayay ku xiran tahay sida wanaagsan ee uu wakhtigiisa uga faa’ideysto iyadoo waxa ugu horreeya ee maanta Qaaradda Afrika laga fakarayaa ay tahay waxbarasho tayo oo si fudud looga heli karo Internet-ka

Maandeeq FM

Related Articles

Close