WararkaWaxbarashada

Puntland: Shir Looga Hadlayay Qorshaha 5 sano ee W. Waxbarashada oo Qodobbo Laga Soo Saaray

Wasaaradda waxbarashada Puntland oo maalihii lasoo dhaafay uu usocday shir ku saabsan qorshaha 5 sano ee wasaaradda ayaa waxaa kasoo baxay in mudnaanta la siinayo tayada waxbarista caruurta iyo kobcinta awoodda ardayga ee gudaha fasalka.

Shirkan qorshaha 5 sano ee wasaaradda ayaa ulajeedkiisa lagu sheegay Labo qodob oo kala ah : Kan Koowaad, Soo bandhigidda nuqulka ku qoran Af-Soomaaliga ee qorshaha qeybaha waxbarasho ee Shanta sanno 2017-2021. Qodobka Labaad, soo bandhigga iyo sharaxaadda taageerada barnaamijka iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada.

Qorshaha shanta sanno ee wasaaradda waxaa ku jira barnaamij uu taageero dhaqaale ku bixinayo iskaashiga Caalamiga ah ee waxbarasada ee loo yaqaanno “Global Partnership for Education (GPE). Barnaamikan ayaa waxa uu taageero ka gaysan doonaan saddex qeybood oo kala ah:

1 – Tayada waxbarashada caruurta iyo kobcinta awoodda ardayga ee gudaha fasalka.

2 – Dhiirigelinta sinnaanta waxbarshada ee caruurta aan horey u helin fursadda waxbarasho oo ay wax ku bartaan.

3 – Nidaamyada waxbarasho oo waxtar iyo isla xisaabtan leh.

Gabagabadii ayaa waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay agaasimaha waaxda siyaasadda iyo qorsheynta wasaaradda waxbarashada Puntland Asma Abdulqaadir. La taliya waaxda Dr. Maxamed Cabdi Aadan iyo xubnihii kale ee waaxdaas oo waxqabadkoodii kii lagu ammaanay.

Ugu dambeyn, 29 June, 2017 ayay ahayd markii wasaaradda waxbarashada Puntland ay magalaada Garowe kusoo bandhigtay buug ka turjumaya qorshe hawleedka wasaaradda ee mudada shanta sano ee soo aaddan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close