arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sirta Tuulada Yar ee Go’doonka ah ee Dhedigoodu Laboodka Isku bedelaan!

Tuulo go’doon ah oo ku talla badda Caribbean-ka ayaa waxaa ka jirta xaaladda layaab leh kadib markii la arkay in gabdhihii isku bedelayaan wiilal si lama filaan ah xilliga qaangaarka sababo la xiiriira dhanka hidde sida ah awgeed.

Sida ay sheegayso jariida Daily Mail, qiimayn la sameeyay ayaa lagu ogaaday  in 90 canug oo ku dhashay tuulada Silence ee ku taalla jamhuuriyadda Dominican uu ku dhacay xaaladda naadirka ah oo marka ay gaaraan da’da 12 sano la arkay iney wiilal isku bedelayaan, caruurtaas ayaana loo yaqaanna magaca “Guevedoces”.

Waxaa jira xaalad gaar ah oo loo yaqaanno dhadigoodka beenta ah ama “Pseudohermaphrodite”, waana sida lagu sheegay documentary ay soo diyaarisay BBC gaar ahaan janal 2.

Documentary-gan oo magaciisa la yiraahdo “Making of You Countdown to Life-the Extraordinary” oo laga sameeyay met Johnny oo markiisii hore ahaa gabadh magaciisana la oranjiray Felicetia dhamaan caruurnimadiisii waxa uu ku soo koray sida gabar oo kale, laakiin hadda da’diisu waa 24 jir, Jir ahaan iyo abuuris ahaanba waa Lab, markii uu 7 jir ahaa ayaana lagu arkay caalamadaha isbedelka ee raganimo.

Ilmaha yar ee caloosha ku jiraa dhadig iyo laboodba kaydoonaan ha noqdeene waxay leeyihiin qanjir loo yaqaanno qanjirada Taranka oo ugu dambeyn noqonaya xubinta taranka ilmaha.

Isbuuca 8aad ee uurka ayaa Laboodka wata koromosoomka Y ay bilaabayaan iney soo saaraan testosterone oo si xoog ah ku sameysmaya kaas ayaan ugu dambeyn uu ka sameysmaa xubunta tarnka ragga.

Laakiin halka aan uga soconnaa waa caruurta qaar ayaa waxay waayeen “enzyme 5 re-educates Alfa” kaas oo soo saara hormoonka testosterone ee ragga, taas oo ka dhigan in ilmaha yar uu ku dhalanayo xubun taran oo u eeg tan dhadigga.

Marka uu qaangaar noqdo waxa uu helayaa hormoonkii testosterone oo si xoogleh jirkiisu u soo saarayaa, taas oo keenaysa in xubintiisii taranka raganimo ay banaanka is keento.

Sida dhabta ah, isbedelkii la doonayay inuu ka dhaco gudaha riximka hooyada ee caaruurta noocan goonnida ah ayunbaa imanaya xilliga ay u dhawaadaa da’da qaangaarnimada ee 12 jirka iyo wixii ka dambeeya.

 Maandeeq FM

Related Articles

Close