CaafimaadkaWararka

30 Caruur ah oo 48 Saacadood Gudahood Ugu Geeriyootay Gudaha Isbitaal Ku Yaalla Dalka India

Isbitaal ku yaalla gudaha India oo magaciisa la yiraahdo Gorakhpur hospital ayaa 48 saacadood gudahood waxaa ku geeriyooday 30 caruur ah oo iskugu jira kuwo dhawaan dhalad ah  iyo kuwo kale oo xanuun isbitaalka ugu jiifay.

Isbtaalkan oo ku yaalla gobolka Uttar Paradesh’s ee magaalada Gorakhpur ee waqooyiga India,  ayaa warbixinnadu sheegayaan in geeridu ay timid kadib markii gudaha isbitaalka Oxygen-ku uu aad ugu yaraaday, kadib markii isbitaalku uu iska bixin waayay lacagtii shirkadda Oxygen-ka isbitaalka siinaysay oo markii dambe ka  goosatay tubooyinkii Oxygenka,  taasina ay keentay in caruurtu ay neef qabatimaan.

Xukuumad-goboleedka deegaanka ka talisa ayaa si aad ah u beenisay  in sababta geerida caruurta keentay uu ahaa Oxygen la’aan ka jirtay gudaha isbitaalka “Ma jiro bukaan u dhintay sabab Oxygen la’aan ah gudaha isbitaalka”, ayayna yiraahdeen.

Wasiirka caafimaadka xukuumad-goboleedka oo la yiraahdo Siddharth Nath ayaa telefishinka deegaanka u sheegay “Haddii aan ogaanno in khalkhalka uu ka yimid Oxygen la’aan , waxaa isla hadda la bedeli doonaan nidaamka kaydka Oxygenka ee Isbitaalka”.

Waxa uu intaa raaciyay waxaan amarnay in baaritaanno lagu sameeyo sababta geerida caruurta ka dambeysay, tallaabooyinka ku habboonna laga qaadi doono haddii la ogaaday in geerida ay ka dhalatay fududaysi dhanka shaqaalaha ah.

Ugu dambeyn, dhacdadan ayaa dhacday maalmihii Khamiista iyo Jimacaha lasoo dhaafay, waxaana hadda la bilaabay baaritaankii booliska iyadoo la filayo iney dhawaan soo gudbiyaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa geerida caruurtan faraha badan oo dad badani ay ka xumaadeen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close