WararkaWaxbarashada

Imisa Darajo Ayuu Kor u Kacayaa Heerkulka Dhulka Dhammaadka Qarnigan 21aad?

Labo daraasadood uu natiijooyinkooda lagu soo qoray joornaalka “Nature Climate Change” ayaa lagu sheegay in heerkulka dunida uu kor u kacayo in ka badan  20% dhammaadkan qarnigan 21aad.

Daraasadda koowaad oo uu hoggaaminayay Prof. Adrian Rafteri oo ka tirsan jaamacadda Washington, waxa lagu sheegay suurtogalnimada iney kor u kacdo heerkulka dhulka  labo darajo illaa 4.9 darajo ay aad u badan tahay, iyadoo suurtogalnimada iney arrintaasi dhacdaa ay gaareyso 95%, dhanka kale Probability-ga in ka yar labo darajo ayaa ah  5%. Sida Professor-ku uu tilmaamayo heerkulka ayaa kor u kacaya  dhexdhexaad ahaan 3.2 darajo boqolkii.

Daraasadda Labaad oo uu soo saaray Thorsten Mauretsen oo ka tirsan mac’hadka Max Planck ee saadaalinta hawada ayaa iyaduna sheegaysa in heerkulku uu kor u kacayo Labo darajo dhammaadka sanadka 2100, xataa haddii aadanuhu uu joojiyo waxyaabaha ugu badan ee hawa wasakhowga keena.

Mauretsen ayaa aaminsan in haddii hawo wasakhowga xooggan uu sii socdo taasi ay dhibaatada sii kordhin doonto oo 3 darajo boqolkiiba heerkulku uu kor u kici doono, waa haddii xaaladdu sidan ay ku sii socoto 15 sano ee soo aaddan.

Dadka arrimaha deegaanka u ol’oleeya ayaa sheegay in daraasadahan la sameeyay kadib markii Mareykanku ka baxay  heshiiskii Paris ee dhanka isbedelka cimillada, taasina ay walwal badan dhalisay.

Heshiisii cimilada Paris ee bishii June sanadkii hore ayaa laga heshiiyay in kororka heerkulka dunida lagu ilaaliyo inta u dhaxaysa  1.5-2 darajo oo qura, taas oo ka dhigan in dunidu ay aad uga walwaleyso in heerkulka dhulku uu aad sare uga kaco taasina ay keento adduunyo gaddoon.

Maandeeq FM

Related Articles

Close