WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Oxford Waxay u Furan Tahay Dadka Doqomada ah oo Qura!!

Madaxweynaha Philippine Rodrigo Dottirt ayaa ku tilmaamay in jaamacadda Oxford ay tahay meel dadka doqonka ah u furan oo aan loogu talogalin dadka waxtarka leh.

Hadalka madaxweynaha ayaa falcelin u ahaa xog-uruurin Oxford ay sameeysay oo lagu sheegay in 28 dowladood oo dunida ka tirsan ay madaxdoodu adeegsadeen baraha bulshada si ololahooda doorasho  loo buunbuuniyo,  iyadoo la adeegsanayo lacago farabadan iyo dad sidii ciidan oo kale u abaabulan oo mucaaradka si adag ula xisaabtama.

Daraasaddan ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Philippine uu baraha bulshada ku bixiyo $200,000 sanadkii 2016, waana isla sanadkii dib loogu soo doortay madaxweynaha.

rodrigo1

Si kasta, arrintan oo dhacday dabayaaqada bishii hore ayay jaamacaddu diidday iney wax jawaab ah ka bixiso hadallada madaxweyne Rodrigo oo si adag u weerary Jaamcadda.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close