arrimaha bulshada

Mareykanka: Imtixaanka Digaagadaha oo ah Kan Ugu Adag ee La Marsiiyo Askariga Booliska ah !(Muuqaal)

Marka ugu horreysa ee aad aragto muuqaalka waxaad u qaadaneysaa inuu ciyaar yahay, laakiin xaalku sidaa maaha waa imtixaanka ugu adag ee la mariyo askariga Booliska gudaha dalka Mareykanka.

Sida ka muuqata lagu baahiyay barta Facbook ee Akadamiyadda Boliska ee jaamacadda Indiana, waxaa kaaga muuqana sarkaalka tababarka Booliska oo ganactiisa ku wata digaagad caag ah oo lagu eegayo awoodda dulqaadka askarta, iyadoo la eegayo marka uu maqlo codka yar ee caagga kasoo baxa sida uu uga falcelinayo.

Muuqaalkan oo la baahiyay Arbacadii lasoo dhaafay ayaa waxaa daawatay in ka badan 5 milyan oo ruux, waxaana lagu soo qoray “Imtixaanka Digaagaddu waa mid lagu eegayo heerka dulqaadka iyo hab dhaqanka askariga”.

Si kastaba, waxaa laga dhex arkayaa muuqaalka in ardayda qaar ay imtixaanka ku dhacayaan iyadoo ciqaab kala duwana la marsiinayo.

Akadamiyadda  Boliska ayaa idaacad maxalli ah oo guda dalka Mareykanka ku taalla u sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee ay adeegsadaan imtixaankan, waxaana aragnaya ayay yiraahdeen iney tahay waddo fiican oo madadaalo ah naftana lagu nasin karo.

Ardayda imtixaankan la marsiiyay ayaa Labo isbuuc oo kale gudaha akadamiyadda kusii jiraya kadibna waxay noqonayaa askar si toos ah u howlgasha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close