UncategorizedWararkaWarbixinnoWaxbarashada

Qormo Ku Saabsan Muhiimadda Uu Leeyahay Cilmiga Physics-Ka

Cilmiga Physics-ka waxa uu hormuud u yahay cilmiga Sayniska ee maanta adduunyadu horumarka ku gaartay la’aantii waxyaabo badan oo ay ka timid tahay Teknoloojiyadda ayaan noos uurto gashaeen.

Hadab, maqaalkeenan maanta waxaa ku eegaynaa, cilmiga Physicska waxa uu yahay, taariikhdiisa, culumadii ugu muhiimsaneyd iyo mahiimaddiisa gaarka ah ee uu kaga duwan yahay culuumta kale.

Physics

Cilmiga Physics-ka waa cilmiga lagu barto xeerarka kala duwan ee walxuhu leeyihiin iyo tamarta jaadadkeeda kala duwan iyo dhammaan falgallada dunida guudkeeda ka dhaca iyo xoorarkooda.

Physics waxa uu ka mid yahay culuumta ugu badan ee aadka looga yaqaanno dunida, ayada oo wax kasta oo la xiriira cilmigan dunida inteeda badan lagu barto oo si aad ah looga daneeyo. Cilmiga Physics-ka waa cilmi daraasadeeda muuqaalka dabeecadda ee kala duwan iyo waxyaabaha sababa iyo sida saameynta ay ugu yeeshaan xeerarkaa kala duwan dunida, waxa kale oo uu  qaabeeyaa nidaam xisaabeed lagu odoroso dhaqaaqa dabeecadda. Cilmigani waxa uu xoogga saaraa qiyaasta, wadiiqooyinka qiyaasta cilmiganna waxaa loo isticmaalaa culuum badan oo kala duwan oo isaga la xiriir, sida Chemistry, Handasada, Caafimaadka, biology-ga, iyo culuum kale oo la yaqaanno oo aad xasaasi u ah.

Taariikhda Cilmigan

Xilli hore laga soo bilaabo aadanahu waxay  ku baraarugsanaa sida cajiibka ah ee nidaamka dunidani u qaybasan yahay qawaaniin gaar ahna uu ugu socdo, sida nidaamka Qorraxda oo maalin kasta si joogta ah usoo baxda, isbedbedlka xilliyada, aqoonta ay dadku cilmiga u lahaayeen oo aad u yareyd darteed dabeecadda aadanuhu waxay ka aamineyn sidii Illaahyo oo kale oo magacyo lagu aqoonsado ay u bixiyeen, waxaa ka mid ah  Illaaha qorraxda oo ka mid ah magacyadii giriiggii hore ay bixiyeen.

Qarnigii 4aad ee miilaadiga ka hor Griiggu waxaa laga yaqaannay aragtiyo ah in maadadu ka kooban tahay walxyo yaryar, maadda kastaana ay ka kooban tahay milanka walxahaa yaryar oo isku dhafan. Qarnigii 3aad ee dhalshada Nabi Ciise ka hor ayaa Aristarchus of Samos uu noqday qofkii ugu horreeyay ee tilmaama in dhulku uu qorraxda ku wareegto sanadkiiba mar, arrintaas oo ka soo horjeedda fikraddii dadbadan ay qabeyn ee ahayd in qorraxdu ay ku wareegto dhulka; Aristarchus waxa uu isku dayay inuu qiyaaso xajmiga dhulka, Dayaxa iyo Qorraxda.

Faahfaahintii uu bixiyay Aristotle ee uu ku aadaneyn dabeecadda ayaa dadku aad u aqbalsanaayeen, waxa uu sheegay iney jiraa 4 cunsur koonkan markiisii hore uu ka sameysmay, ciidda, dabka, biyaha iyo hawada oo mid kasta oo boos ku leeyahay dabeecadda oo afartaa cunsuna ay ka sameysan tahay.

Casrigii  mudgida Yurub ee loo yaqaanno “Dark Ages” oo ahayd xilligii ay dhacday boqortooyadii Roman-ka qarnigii 4aad ee miilaadiga waxaa baaba’ay oo la waayay culuum badan oo Giriirggu lahaa. Qarnigii 14aad ayaa waxaa dib loo helay culuum badna oo muddo la waayay, xilligaa Yurub waxay aad ugu baraarugeen in cilmi badan uu jiro oo u baahan in la baadi goobo.

Caalimkii weynaa ee Francis Bacon oo noolaa intii u dhaxaysay qarnigii 16aad iyo qarnigii 17aad, ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee aasaaska u dhigay waddooyinka casriga ah ee cilmiga; iyadoo howlihii uu qabtay iyo buugaagtiisii soo baxay sanadadii 1605-1620 ay sabab u ahaayeen iney cilmiga dhiirigeliyaan in ka badan Labo boqol oo sanno oo isaga ka dambeysay, iyadoo caalimka saameyntiisa illaa hadda ay taagan tahay.

Isaac Newton iyo Thomas Newman ayaa iyaguna kaalin muhiim ah ka ciyaaray horumarinta cilmigan Physics-ka, intaa wixii ka dambeeyayna cilmigan horumarro dheeraad ah ayuu sii sameynayay, qarnigii 18aad ayay ahayd bilowgii aragtiyada la xiriira Atom-ka.

Culumadii Cilmiga Physics-ka Ugu Caansaneyd

Culumada cilmigan ugu caansan way farabadan yihiin waxaase ka mid ah; Isaac Newton, Albert Einstein, Stephen Hawking, Galileo Galilei, Max Planck, Marie Curie, Niels Bohr, Richard Feynman, Erwin Schrodinger, Michael Faraday, Werner Heisenberg, Robert Hooke.. iyo kuwo kale oo farabadan oo aan lasoo koobi karin.

Muhiimadda Cilmigani Leeyahay

Waxaa la dhihi karaa sababta ugu weyn ee horumarka uu gaaray aadanaha inuu leeyahay cilmiga Physicska oo  si toos ah iyo si dadbanba loogu ammaani karo, gaar ahaan kadib markii la helay qawaaniinta xarakada ee caalimkii Isaac Newton,  waxaana qawaaniintaas ay noqdeen kuwo lagu dhiso qalab badan oo laga maarmaan u ah nolosha, waxaana ka mid ah isgaarsiinta oo cilmigan la’aantii aan suurtogasheen, qalabka caafimaadka oo ah maanta kuwo lagu badbaadiyo nafta dadbadan oo badbaado u baahan.

Culuumta ay cilmiga Physics-ka xiriirka tooska ah leeyihiin waxaa ka mid ah cilmiga Xisaabta oo lagu dhisay qaar badan oo qawaaniinta cilmigan ka mid ah oo lagu odoroso mustaqbalk ififaalaasha dabiiciga ah, sidaa darteed waxaa la dhihi karaa cilmiga xisaabta iyo Fisikisku marna ma kala maarmi karaan.

Qeybaha Kala Duwan ee Cilmiga

Cilmiga Physics waa cilmi aad u baaxadweyn waxaanuu u farcamaa takhasusyo farabadan oo kala duwan, faracyadiisa ugu caansan waxaa ka mid ah,  Classical Mechanics, Thermodynamics and statistical mechanics. Electromagnetism and electronics. Relativity. Quantum mechanics. Optics and atomic, molecular, and optical Physics. High energy/particle physics and nuclear Physics.

Ugu dambeyn, waxaan ognahay in badan oo ka mid ah ardaydeenna Soomaaliyeed iney aad uga baqaan Physics-ka iyo Xisaabta, maadaama cilmigani uu ku dhisan yahay horumarka aadanaha oo aan markasta laga maarmin, waxaa inagu waajib ah  inaan u babac dhigno si aan ula jaanqaadno asaaggeen, waxaanad ogaataa wax kasta oo qof aadane ah uu barto in inta kale waxa kaliya ee ka xigaa uu yahay dalaal oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close