arrimaha bulshada

Ireland: Tuulo Ucodeysay Orgi Si Uu Ugu Noqdo Boqor Xukuma!!

Waxay u muuqataa iney dadweynuha tuuloyar oo ku taalla Ireland ay ka daaleen xukunka madaxda aadanaha ah ee la mid ka ah, waxay jinsi kale u doorteen inuu u taliyo, tooladan yar oo ku taalla Koonfur-galbeed Ireland ayaa boqor u doortay Orgi-duureed maalmo kooban xukumi doona dadka Tuulada.

Inta lagu guda jiro dabaaldagga Puck Fair oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay dabaaldagyada ugu faca weyn ee dalka  Ireland, dadka dagan tuulada yare ee la yiraahdo Killorglin waxay soo qabtaan Orgi-duureed buuraha laga soo dabo, kadibna waxay ka dhigaan boqor inta uu socdo dabaaldagga.

Orgigan boqorka ah ayaa sanadkan lala soo marayay daafaha tuulada iyadoo ugu dambeyn lagu boqrayo isku soo bax ballaaran, waxaana boqreysa ardayad loo yaqaanno “Boqoradda dabaaldagga”, waana naaneys la siiyo ardayd lagu maamuuso dabaaldagga sanadkasta. Marka aan eegno orgiga waxa uu u muuqday mid aan dhibaato ku jirin xilli markii la boqrayay xoogaa mushkilado ah lagala kulmay.

Ben Henry ayaa yiri: “Waxaan ka qeybgalay dabaaldagga muddo 11 sano ah, sidaa darteed waxba iguma cusba waan la qabsaday, laakiin markii iigu horreysay ee aan halkan soo gaaray arrintu layaab ayay lahayd.”, ayuu yiri mid ka mid ah ka qeybgalayaasha dabaaldagga oo dadka tuulada u ah mid ay xiiseeyaan oo nafis iyo madadaalo ay ka helaan.

Dabaaldagga oo sanad walba la qabto xilligan oo kale ayaa iskugu jira bandhigiyo waddooyinka la iskugu soo baxayo oo heeso iyo madadaalo iskugu jira, iyadoo s bandhig dhanka fardaha ah uu jiro.

Ugu dambeyn, Lama yaqaanno dabaaldaggani halka uu salka ku hayo, laakiin dadka deegaanku waxay kuu sheegayaa sheekooyin farabadan oo kala duwan, waxaana ka mid ah sheekada Ri’ kaligeed ahayd oo ka carartay hoggaamiye ciidan oo la oranjiray Oliver Cromwell oo soo magan gashay dadka tuulada. Dadka dabaaldagga soo abaalbula ayaa waxay sheegaan in dabaaldagga taariikhdiisu ay tahay bilowga qarnigii 17aad.

dabaaldagga Puck fair

dabaaldagga Puck fair1

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close