arrimaha bulshadaWararka

Kulan-aqooneed Wacyigelin ah oo Dhalinyarada Loogu Qabtay Magaalada Hargeysa

Kulan aqooneed wacyigelin ah oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda kulliyadda shareecada ee jaamacadda Golis oo lagu wacyigelinayo bulshada ayaa ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culumo Aw-diin, aqoonyahan, marti sharaf  iyo boqolaal dhalinyaro ah oo aad u buux dhaafiyay hoolkii ay wacyigelintu ka socotay.

Culumadii madasha ka hadashay ayaa waxay si guud uga hadleen dhaqan wanaagga iyo sida ay tahay in dhalinyaradu ay uga digtoonaadaan dhaqamada xunxun ee laga soo min guuriyay dalalka shisheeya.

Sheikh Cabdirisaaq Al-bani ayaa si qorto dheer uga hadalay nimcada muhiimka ah ee Alle nagu galladay ee Islaamnimada ah iyo sida ay tahay inaan u ilaashanno:

“Nimcada haddii aad ku shukridaan ayaa Illaahay waxa uu yiri waan idiin soo kordhinayaa, haddii nimcadaan aan haysanno aan joogteynno, cibaadad aan joogteynno, diinta barashadeeda aan joogtaynno taqwada iyo Alle ka cabsiga aan joogteynno, goobaha wanwanaagsan aan imaanno goobaha sharta leh iskaga fogaanno, albaabada xunxun aanaan isku furin, Illaahay waxa uu inoo ballanqaaday inuu inoo sii kordhinayo kheyrkaas.”, ayuu yiri sheikh Cabdirisaaq.

Dhanka kale, waxaa iyaguna goobta ka hadlay oo ulajeedka kulankan ballaaran ka waramay dhalinyaradii kulanka soo diyaarisay waxayna yiraaheed:

“Waxaan u mahadnaqeynaa cid kasta oo maskax muruq iyo maalba ku darsatay, kulankan waxaa soo qabanqaabiyay ardayda kulliyada shareecada iyo daraasaadka islaamiga ah ee ka qalinjabisay jaamacadda Golis”, waxay u mahadceliyeen si gaar ah dadkii kala qeybqaatay diyaarinta kulanka oo ay ka mid ahaayeen ururka dumarka ee Umahaatka loo yaqaanno.

Si kastaba,  waxaa buuq badan iyo dareen shacabka kiciyay kadib markii haweenay la yiraahdo Mariane Vechione oo Somaliland booqatay ay madal lagaga hadlayay howlaha mutadawacnimada ka sheegtay in Somaliland ay u timid iney furto Kaniisad dadka Catholic ah loogu talogalay oo muddo 30 sano ah xirneyd, iyadoo waliba si aan gambasho lahayn u tilmaantay in xukuumadda Somaliland u ogolaatay arrintaa maadama ay ictiraaf doon yihiin in la aqoonsadana ay ka doonayaan beesha caalamka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close