WararkaWaxbarashada

Puntland: Dhalinyaro Farabadan oo Waxbarashada Dadban ka Qalinjabisay Mac’had Ku Yaalla Garoowe

Xaflad ay ku qalinjabinayeen in ka badan 100 arday oo ka gudubtay heerka dugsiga dhexe iyo sare ee waxbarashada dadaban ayaa ka dhacday magaalada Garoowe.

Munaasabadda qalinjabinta ee mac’hadka Dr. Axmed ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, maamulka jaamacadda Bariga Afrika, guddoonka waxbarashada gobolka Nugaal maamulka iyo macallimiinta mac’hadka, arday iyo waalidiin.

Maamulaha mac’hadka Axmed Cabdullaahi Axmed ayaa ugu horreyn ka hadlay in ardayda oo gaaraysay 105 arday ay iskugu jireen heerarka kala duwan ee dugsiga dhexe iyo sare:

“Maanta ulajeedada Xafladdan aan iskugu nimid waxa weeyaan, xaflad qalinjabin oo iskugu jirta Labo dufcadood, dufcad ardayda ka baxaday waxbarashada dugsiga sare iyo dufcad arday ka baxday waxbarashada heerka labaad oo u gudbaysa waxbarashada heerka Labaad.”

Waxa uu ka hadlay baahidii markii hore mac’hadka loo aasaasay iyo dufacadihii kala duwanaa ee uu soo saaray:

“Mac’hadkan waxaa loo furay iney ka faa’ideystaan dadka waxbarashada toosk ah aan ku jirin , mac’hadka waxaa la aasaasay Janaayo, 2012, waxaana loo aasaasay dad aan waxbarashada tooska ah ku jirin iney ka faa’ideystaan, mac’hadka muddooyinkii uu soo jiray waxa uu ku guuleystay inuu soo saaro arday tiro badan oo maanta dufcaddan aan u xafladeynayaa ay tahay dufcaddii 5aad ee ka qalinjabisa waxbarashada dugsiga sare.”

Maxmed Xareed oo ah arday sanadkan ka qalinjabinayay waxbarashada dadban ee dugsiga sare ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay fursadda waxbarasho ee uu helay maadama xilligiisii hore aanuu ka faa’idaysan wakhtiga:

“Waxaa Illaahay mahaddii ah inagoon wakhti badan aan u helin waxbarasho igu filan ama aan wakhtigeyga ka faa’ideysan in wakhtigeygii uu iga faa’ideeyay mac’hadka Dr. Axmed Cabdiraxmaan oo ahmac’adkii isoo garab qabtay illaa aan ka gaarayay maanta inaan waxbarashadayda sii wato”.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Abshir Aw-yusuf Ciise oo xafladda ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay waxbarashada dadban leedahay isagoo hoosta ka xariiqay in wasaaraddiisu ay la qabaneyso waxbarashada dadban  sida waxbarashada tooska ah oo kale:

“Tacliinta uu ardaygu waxbarashadiisa uu mas’uul buuxa ka noqdo tacliinta fadhida ee macnaha leh waa taa, waa tan maanta aad idinku haysaan, tacliinta dadaban labo faa’ido ayay leedahay, midda ugu horreysaa waxa weeyaan in bulshadii  dad tacliin leh u soo baxo, marka dadka waaweyn iyo yaryarka wax la baro ayaa dad badan oo tacliin leh soo baxayaan, mac’hadka gacan ayaan siin doonnaa dagaan haddii uu helo, wasaaradda waajib ayay ku tahay iney qabato wiixii ay tacliinta la qaban karto, sida waxbarashada toosan wax loogu qabanayo ayaan tan danbanna wax loogu qabanayaa.”

Ugu dambeyn, Mac’hadka Dr. Axmed Cabdiraxaam waxaa la aasaasay sanadkii 2012, waxaanaan bilowgiisii hore furtay jaamacadda Bariga Afrika oo uu hoostago uguna talogashay in ardayda dib u dhaca waxbarasho ku jiro in wax lagula qabto.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close