WacyigelinWararkaWaxbarashada

Sirta Ganacsiga..10 Tallaabo oo Lagama Maarmaan U ah Guulaha Ganacsi

Horumarka teknoloojiyaddu cusub waxa uu  keenay in meesha laga saaro afkaartii hore ee ahayd in dadka taajirka ah ay yihiin oo qura dad da’weyn oo waayo badan usoo dhabar adaygay waayaha nolosha iyo isbedbedelkeeda.

Waxaa hadda dunida jooga jiil cusub oo dhalinyaro ah oo hadana noqday dadka ugu hantida badan dunida, waxaa ka mid ah  29 dhalinyaro  da’doodu ay ka hooseyso 40 sano, waa sida ay qortay majaladda la yiraahdo Forbes,  dhalinyartaa waxaana ka mid ah , Dustin Moskovitz, Mark Zuckerberg, Albert von Thurn und Taxis, Scott Duncan, Eduardo Saverin, Huiyan Yang, Fahd Hariri, iyo kuwo kale oo aad u farabadan oo ku guuleystay ganacsigooda.

Hadaba waxaan idiin haynaa talooyin waxtar u leh ganacsata yaryar ee doonaya iney guulaha waaweyn ka soo hooyaan ganacsigooda.

1 – Yaree masaariiftaada kharashkaagana ha ku bixin waxaan nacfi lahayn.

2 – Sida aad ugu riyooneyso inaad hesho faa’idooyin baaxdleh waa inaad  abuurtaa mashaariic faa’iidooyin yaryar oo degdeg ah laga heli karo.

3 – Dadka kale kaalmee, maashaariicda guuleysa waa kuwo dadka usoo gudbiya waxay u baahan yihiin.

4 – Naftaada hala barbardhigin dadka kale, aamin inaad diyaartay guulo waaweynna aad soo hoyn karto.

5 – Ganacsatada waaweyn inta badan kuma taliyaan in guryo waaweyn la iibsado.

6 – Isku day inaad ka shaqeyso howsha waxyaabaha aad daneyso ka agdhow, firfircoonida iyo xiisuhu waxay ka mid yihiin tiirararka ugu muhiimsan ee guusha dhaqaale lagu gaaro.

7 – Mashruuca aad sameynaysaa ha noqdo mid xal u ah mushkilad jirta oo dadku ay doonayaan in laga xalliyo, waxsoosaar kasta oo guuleysta baahi loo qabo ayuu ku meelmaray.

8 – Si aad hadafkaaga u gaarto waxaa lagama maarmaan ah inaad qorshe u dajiso, waa inaad naftaada u dajiso tallaabo qorsheysan oo dhanka maaliyadda ah.

9 – Waxsoosaarkaaga waa inaad la kali noqoto oo uu jiro wax adiga kuu gaar ah oo aad kaga duwan tahay badeecada kale ee suuqa taalla, waa in wax kastaaba uu kuu noqdo heersare.

10 – Xirfado cusub yeelo, Illaali sugnaanshiyahaaga shaqo oo joogtee,  mar kastana ku dadaal inaan ka faa’ideysato khibradaha dadka kaa aqoonta iyo garaadka roon ee waliba gacansiga meel wanaagsan ka gaaray.

Ugu dambeyn, waan hubaa in talooyinkan oo kaliya aaney kugu filnayn sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay inaad kor u qaaddo dadaalkaaga talooyinkaa sarena sida ay tahay aad ugu dhaqanto, waxaan hubaal ah inaad guul muhiim ah oo ganacsiga ah aad gaari doonto.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close