WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada XF Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Iney Heshay Deeqo Waxbarasho oo Cusub

Wasaaradda waxbarashada XF Soomaaliya ayaa shaacisay iney gacanta ku hayso deeqo waxbarasho oo  farabadan looguna talogalay ardayda Soomaaliyeed.

Sida ay qortay wakaaladda warar Sonna, wasiirka  wasaaradda waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan Ayaa sheegay iney heleen deeqo waxbarasho oo farabadan oo laga helay dalka Suudaan, waxaana uu hoosta ka xariiqay  iney si wanaagsan oo cadaalad ah u bixin doonaan deeqahaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay heyso deeqo waxbarasho oo dowladda Ethiopia ah oo looga faa’ideyn doono ardayda Soomaaliyeed ee daneynaya. Waxa uu sidoo kale tilmaamay iney wali sugayaan deeqo kale oo laga sugayo dalal kala duwan oo dunida.

Wasiir Cabdiraxmaan oo arrintaa ka hadlayay ayaa yiri:

“Hadda waxaa jiro deeqo waxbarasho oo naga soo gaaray dalka Suudaan markii aan tagay si fiican ayay iigu soo sharfeen deeqo waxbarasho oo aan caruurta Soomaaliyeed uga soo qaadayna way jiraan, waxaan ogahay oo kaliya in shuruudihiin aan dagsannay loo kala qeybiyo oo ah in la raaco buundada ardayda ugu buundada badan, si cadaalad ahna loogu kala qeybiyo dalka oo idil, Suudaan wey taalla waxaa noosoo socda oo mardhaw aan rajeynaynaa Itoobiya, waxaan hadda direynaa ardaydii hore ay wax ugu soo dhamaadeen ee deeqihii waxbarasho ee dalka China”.

Ugu dambeyn, qaabka qeybinta deeqa waxbarasho ee XF Soomaaliya ayaa isha lagu wadahayaa in qaab cadaalad ah lagu qeybin doono iyo in kale,  iyadoo walwal laga muujiyay inaanuu wasiirku carrabka ku dhufan deeqda waxbarasho ee dalka Suudaan tiradeedu inta ay le’egtahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close