WararkaWaxbarashada

Buugga Kaabaha Ardayga Oo Lagu Soo Bandhigay Magaalada Garowe

Buug ay qortay Ayaan Axmed Caydiid oo ah suxufiyad da’yar ah oo la yiraahdo buugga Kaabaha Arday ayaa lagu soo bandhigay magaalada Garowe.

Buuggan ayaa ah mid loogu talogalay iney ardaydu ka helaan dhiirigelinta wanaagsan si ay mustaqbalkooda uga gaaraan meel sare, waxaana bandhigga buugan ka qeybgalay aqoonyahannno, qoraayaal iyo ardayda dhigata jaamcadaha.

Ayaan Caydiid ayaa sheegtay in diyaarinta buuggan ay ku qaadatay muddo dheer, ayna ugu talo gashay inuu jiheeye wanaagsan u noqdo ardayda waxbarashada ku jirta.

“Waa markii ugu horreysay oo aan imaado Garowe, runtii markii hore waxaan ka walwalsanaa inaan dhibaato la kulmo maadaama aanan cidna ka aqoonin marka laga reebo hablo aan saaxiibbo ku nahay baraha bulshada, balse markii aan soo gaaray kantroolka runtii waxaan heegan iigu jiray hablo quruqurxoon oo u soo baxay soo dhawayntayda, caawana waan arkaa sida aan iigu camirteen xafladdaan , waxaanba ku fekeray inaan idinla sii joogo.” Ayay tiri ayaan Caydiid.

Buuga Kaabaha Arday ayaa lagu soo bandhigay bandhigii buugaagta Hargeysa ee Hargeysa Book Fair ee 22 July, 2017. Ayaan waxay u dhalatay Somaliland, waa wariye iyo abwaan da’yar ah wacyigelinta dadkana aad ugu firfircoon.

bandhigga buugga kaabaha ardayga

buugga kaabaha ardayga buugga kaabaha ardayga1

Maandeeq FM

Related Articles

Close