CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Faa’idooyinka Caafimaad ee Laga Helo Cabitaanka Kaarootada

Kaarootada waxaa aad ugu badan maaddooyinka faa’iidada u leh jirka aadanaha, haddii loo sameeyo cabitaan ahaan oo si maalinle ah loo cabo nacfi weyn ayuu jirku ka helayaa.

Wargeyska Daily Health Post ayaa soo daabacay 10 faa’ido oo laga helo cabitaanka Kaarootada, waxayna kala yihiin:

1 – Waxa uu kor u qaadaa habdhiska difaaca jirka.

Cabitaanka Kaarootada waxaa ku badan macdanta wanaajisa habdhiska difaaca jirka iyo faytamiin “A” oo laga helaa uu hagaajiyo  caafimaadka jirka.

2 – Waxa uu Ilaaliyaa heerka Cholesterol-ka iyo Sokorta jirka.

3 – Waxa uu Nadiifiyaa Beerka.

Cilmibaarisyo dhawaangal ah oo la sameeyay ayaa tilmaamaya in cabitaanka kaarootadu uu beerka ka nadiifiyo suntan.

4 – Jirka ayuu Bilaa oo uu qurxiyaa.

5 – Lafaha ayuu xoojiyaa oo uu kobciyaa.

6 – Baruurta ayuu la dagaalamaa.

Kaarootada waxaa ku badan Fitamin “B”  oo keena inuu jirku gubo baruurta iyo barootiinka, waxa uuna ka qeybqaataa in jirku helo tamartii uu u baahnaa ee lagama maarmaanka ahayd.

7 – Caafimaadka Afka ayuu u roon yahay.

8 – Kansarka ayuu ka ilaaliyaa jirka.

9 – Caafimaadka wadnaha ayuu u roonyahay

10 – Indhaha ayuu u roonyahay.

Waxaa xaqiiqo ah oo aan wada naqaanaa in Kaarootada ay kobciso awoodda aragga isla markaana ay indhaha u roontahay.

Hadaba, qof kasta oo awood u leh oo heli kara waxaa lagama maarmaan ah inuu raashiinkiisa ku darsado cabitaanka Kaarooda oo faa’iidadiisu ay tahay mid aan lasoo koobi karin.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close