WararkaWaxbarashada

Fahamka Habdhaqanka Ardayda Xirxiran ee Gudaha Fasalka

Fasal kasta ugu yaraan waxaa ku jira 10 arday oo xirxiran, khubarada bartaarinta ayaa sheegaya inaan inta badan ardydaasi  helin garabkii ay u baahnaayeen ee lagu gacan qaban lahaa, siyaasadaha iskuulaadka qaar ka jirtaana ay ardaydaa ka dhigto kuwa waajaha xaalad adag oo ay ku dhibaatoodaan.

Marsha Pinto waa 21 jir ah oo u ol’oleysay ardayday xirxiran ee gudaha dalka Mareykanka, waxay sheegtay in xilligeedii iskuulka ay ahayd ardayad aad u dagan, qeybta dambe fariisata, waxaan aad u xiisan jiray oo aan isku mashquulin jiray,ayay tiri, wax akhriska oo ahaa sheyga kaliya ee aan weheshado.

Waxay hadalkeeda sii raacisya: “Waxaa jiray macallin  fasalkeygii Lixaad aad ayuu ugu adkaystay inaan ardayda ka hor hadlo waxaanuu iigu hanjabay haddii aan is furfur waayo inuu darajooyin iga goosan doono, daganaashiyahaygii ayaa dambi u soo jiiday”.

Waxaysii faahfaahay xaaladdu sida ay ku ahayd; “Iskuulkii dhexe aad ayuu iigu adkaa sababo farabadan oo ku adag ardayda daganaanshiyaha jecel awgeed, qaabdhismeedka fasalkuna uu marar badan qeyb ka yahay” ayay tiri Marsha.

Dunida xilligan aan joogno waxbarasho waa mid bulsheed oo si wadajir ah loo qabto howlo badan, waxaa la doorbidaa in ardaygu uu hoggaamiye noqdo, xiriirka ardayda kale uu la leeyahay iyo guud ahaan bulshadaba uu adkeeyo, shaqada wadajirka ah ayaana ah tan asalka ah ee gudaha fasallada waxbarashada, si ardaygu uu hadhow bulshadiisa uu ula jaanqaado.

John Zewlenski oo ah Prof. Cilmi-nafsiga ka dhiga jaamacadda Carleton College oo daraado gaar ah ka sameeyay ardayda xirxiran ayaa sheegay in intabadan xirxirnaantu ay tahay hiddo dhanka waalidka laga dhaxlay, mararka qaarse waxa uu ka dhashaa, ayuu yiri, habka barbaarinta, xilliyada qaarna waxa uu ka yimaaddaa dhacdooyin si lama filaan ah ay ula kulmaan ardaydaasi, taas oo ka dhigaysa in ilmaha yar uu iska xirxiro qoyskiisa iyo bulshada inteedii kale.

Sidaa darteed, ma habboona in mar kasta lala dagaallamo hab dhaqanka xirxirshiyaha ardayga ee gudaha fasalka, cilmibaarayaasha ayaa tilmaamaya in ardayda xirxiran ay intabadan yihiin dadka khatarta u bareera , si degdeg ah oo ardada kale ka fiicanna wax u fahma, waxay noqdaan dad hal-abuur leh oo darajooyinka ugu sarreeya qaata inta badan, culumada sayniska intooda badanin waa dad xirxiran, cilmibaarisyada qaarna waxay tilmaamayaanba in ay ka soo jiidasho badan yihiin ardayda kale, xiriirada ay sameeyaanna uu ka waaris badan yahay kuwa kale, intaa waxaa ka sii daran in la arkay dadka kale iney ka cimri dheeryihiin.

Si kastaba, Gudaha fasallada in badan oo ka mid ah iskuulaadkeena waxaa aad looga jecelyahay ardayda xirxiran ee aan dhibka badneyn lana falgelin ardayda inteeda kale, dunidu sidaa wey ka duwan tahay ardayga waxaa lagu tixgeliyaa bulshaawinimadiisa taa ayaana asal ah, laakiin khubarada barbaarintu waxay sheegayaan in ardayda qaar ay u wanaagsan tahay kalinimada maadama ay hal-abuur wanaagsan samayn karaan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close