WararkaWaxbarashada

Waa Maxay Sababta Dadyowga Dunidu Ugu Hadlaan In ka Badan 7000 oo Luuqadood oo Kala Duwan?

Duinda aan ku noolnahay waxaa jira dadabadan oo ku hadlay in ka badan Hal luqad oo ay u tahay sidii luqadoodii hooyo oo kale, tusaale ahaan dadka dagan Jasiiradda Macilona Island ee koonfurta Pasific-ga waxay ku hadlaan in ka badan 40 luqadood oo kala duwan, jasiiraddan oo dhirirkeeda lagu qiyaaso 100Km, ballaceeduna uu yahay 20 Km oo kaliya, ayaa hadana dadkoodu ku hadlaan luqadahaa faraha badan ee hadana kala duwan!

Aadanaha maanta dunida ku dhaqan ma jirto luuqad kaliya oo ay wadaagaan,  isku fahmaan, kuna wada mideysan yihiin oo aan barasho u baahneyn, iyadoo ay jirto in kumanaan sanno laga joogo horumarka luqada iyo afafka dunida ka jira. Laakiin taa bedelkeeda waxaa dunida ka jira in ka badan  7000 oo luuqadood, waxaa la yaqaanna 7099 luqadood oo dunida looga hadlo, marka laga reebo luqdaha dabar go’ay amaba kuwa kale ee iskood u dhintay.

Hadaba, Su’aashu waxay tahay Maxaa dhaliyay kala duwanaanshiyaha dhanka luuqadda maadaama dadku ay hal asal kasoo wada jeedaan?

Sheeko dalka Japan aad looga yaqaanno ayaa tiraahda, dadku xilligii hore waxay ahaayeen kuwo ku hadla hal-luqad oo kaliya, waxayna daganaayeen magaalada Baabil ee dalka Ciraaq, waxay sheekhadu leedahay dadku waxay dhiseen taallo aad u dheer oo ay naftooda ku buunbuun oo ay ku qiimeynayaan, intii ay Alle weyneyn lahaayeen, sidaa darteed ciqaab ayaa Alle kusoo dajiyay oo waxay is arkeen iyagoo aan is fahmeyn luqado kala duwanna ku hadlaya, sidaa darteed ayaa magaalada Baabil magacaa loogu bixiyay ayay tilmaamaan. Laakiin marka aan dhinac iskaga riixno sheekadan, aragtiyada cilmiyeed ayaa sheegaya in kala duwananshiha luqaduhu ay ka dhasheen go’doonsanaanta deegaannada oo xilliyadii hore aaney cidina cid kale u safri jirin sidaa darteed cid kastaa ay lahayd loqadooda u gaarka ah oo ay kaga duwan yihiin dadka kale.

Kala duwanaanshiyaha luqadaha ayaa la aaminsan yahay inuu salka ku hayo kala duwanaanshiyaha dhanka deegaanka iyadoo la tilmaamayo in dagaaladuna ay qeyb ka ahaayeen iney dadku sameystaan luuqadu u gaar ah oo ay isku fahmaan si aan cadowgoodu uga faa’ideysan una fahmin sheekadooda.

Koox culumo ah oo ka kooban 6 cilmibaare oo takhasusyo iyo wadamo kala duwan kasoo jeeda ayaa baarintaan ku sameeyay sababta kala duwanashiyaha dhanka luuqadda keentay, culumadani waxay ku guuleysan waayeen iney helaan sabab kaliya oo cad oo maangal ah.

Laakiin waxaa shaki la’aan ah oo Alle Qur’aankiisa ku sheegay in abuurista aadanaha ayba ka mid ahayd in la kala duway midabkooda iyo luqadahooda, waana sida ku cad aayadda 22 ee Suuradda al-Ruum oo Alle SW uu yiri: “Illaahay aayadaha lagu garto waxaa ka mid ah abuurista samada iyo dhulka, kala duwaanshiyaha luqadaha iyo midabkiinna, arrintaasina waxay aayad u tahay jiritaanka Alle oo Caalamka oo dhani ay arki karaan”.

Si kastaba, kala duwanaashiyaha luqaduhu waxay kaalin muhiim ah ka ciyaareen isla jaanqaadka qaar ka mid ah dadka oo inta kale iskaga dhaw marka aad eegto, iyadoo la tilmaamayo in waxyaabah ugu weyn ee kala duwananshiyaha dhaliyaa uu yahay deegaanka iyo siyaasadda dagaallada iyo istiraatiijiyadda nolosha ay raaceen dadyowga kala duwan ee dunida taas oo ay ka dhalatay xuduudaha iyo kala duwanaanshiyaha dhanka luuqadaha.

Maandeeq FM

Related Articles

Close