WararkaWaxbarashada

Xafladdii Gabagabada Tartan-aqooneedka Kadis ee Goobjoog Media Group oo Maanta La Qabtay

Waxaa maanta lasoo afmeeray oo xafladdii gabagabada iyo abaalmarinta la qabtay tartan aqoondkii bisha barakeysan ee Ramadaan ee ay soo qabanqaabisay Goobjoog Media Group.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha dagmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo oo markii hore ee tartanka la furayayna goobjoog ka ahaa, Agaasimaha Jaamacadda SIU  Shaafici Diiriye, Agaasimaaha Guud ee goobjoog Media Group Xasan Maxamuud Maxamed,  maamulayaasha dalladaha waxbarasho ee dalka iskuulaadkii tartanka ka qeybgalay iyo ardaydii tartanka ku guuleysatay.

Tartanka oo ay ka qeybgaleen illaa 32 iskuul  ayaa waxaa taabagalineysay sanadkan jaamacadda SIU oo qabanqaabada iyo su’aalo diyaarinta tartanka kaalin weyn ku lahayd. Kaalmaha ugu horreeya ee tartanka waxaa loogu kala guuleystay sidan; Imaamu-maamil oo kaalinta Koowaad galay, Jaabir binu Xayaan oo kaalinta Labaad ah iyo al-Nashaad oo kaalinta Saddexaad ku guuleystay.

Guddoomiyaha dagmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa waxa uu aad u amaanay waxbarashada dalka gudihiisa waxa uuna tilmaamay inuu isaguna uu isla dagmada Hodan wax ku bartay:

“Degmada Hodan waa hogaamiyaha waxabarashada dagmooyinka Muqdisho, meesha aan wax ku bartay waa isla dagamadan, qofka Soomaaliga ah waxaa u wanaagsan inuu dalkiisa wax ku barto”.

Madaxdii kale ee xafladda ka hadlashay ayaa waxay ka sinnaayeen iyaguna iney si aad ah uga hadleen qiimaha waxbarashada gudaha dalka ay leedahay iyo in sare loo qaado oo la dhiirigeliyo, waxay tilmaameen inaan laga hormarin waxbarashada dibadda maadama qof kasta oo muwaadin ah waxa uu ganacta ku haystaa u qiimo badan yahay horumarkiisuna uu ku jiro.

Ugu dambeyn, waxaa la abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyay iskuulaadkii kaalmaha ugu horreeya ka galay tartanka oo Lagaco abaalmarin ah halkaa lagu guddoonsiiyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close