arrimaha bulshadaTiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Alifaagii Ammaanka Passwordka oo 14 sano Kadib Qirtay Khaladkiisa!!

Dhamaanteen marka aan Password sameysaneyno waxaan ka fakarnaa inaan ka dhiganno mid adag oo cidina aaney si sahlan ku heli karin, si aan u ilaashanno ammaanka baraheenna Internet-ka aan ku leenahay danaha gaarka ah ama kan shaqo aan ku qabsanno.

Laakiin hal-abuurkii soo alifay ammaanka Password-ka ayaa qirtay khalad uu galay sanadkii 2003, xilligaas oo shaqaale uu ka ahaa mid ka mid ah xafiisyada dowaladda ee gudaha Mareykanka.

Bill Burr ayaa waxa uu ku taliyay in Password-ka si joogto ah loo bedelo iyadoo ay lagama maarmaan tahay in la adeegsado xuruuf, tirooyin aan macno gaar ah sameynayn iyo xarfaha waawyn.

Burr waxa uu caddeeyay hadda inuu dareemayo inuu ku khaldanaa talooyinkaa oo dad badan oo dunida ay si aad ah u qaateen isla markaana keentay in si sahlan lagu jabsado barahadoodii ay isla lahaayeen markii hore ammaan ayay idiin yihiin.

Khubaradu hadda waxay ku taliyaan in Password-ka dheer uu yahay kan ugu aaminka badan, intii aad adeegsan lahayn mid gaaban oo xarfo waaweyn iyo tiro aan macno gaar ah sameyneyn aad adeegsan lahayd.

Burr oo hadda ah lataliye sare oo ka tirsan NIST technology , ayaa The Wall Street Journal u sheegay inuu dib u eegis ku sameeyay talooyinkiisii hore , waxa uu leeyahay hadda “Wax kasta waxaan kasoo bilaabnay Eber, ka dib markii aan ogaannay in talooyinkii hore oo dhan lagu fashilmay”.

Ugu dambeyn, Burr waxa uu hadda ku talinayaa in la adeegsado Password dheer oo la xasuusan karo iyadoo aan astaamo kale oo tirooyin aan midna la raacineyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close