WararkaWaxbarashada

Bill Gates oo Ku Deeqay Hantidii Ugu Ballaarneyd ee Qofka Bixiyo Qarnigan 21aad

Gacansadah caanka ah ee Billionaire-ka reer Mareykan Bill Gates ayaa bixiyay lacagtii tabacarucaada ahayd ee ugu baaxadda weynayd qarnigan 21aad, kadib markii uu bixiyay 5% hantidiisa oo loo aqoonsan yahay iney tahay tan ugu badan ee qof kaliya uu haysto dunida.

Bloomberg ayaa sheegtay in Bill Getes oo loo aqoonsan yahay inuu yahay ninka ugu taajirsan dunida uu ku tabarucay 4.6 billion oo dolar, iyagoo soo xiganaya warbixinno ay soo saartay hay’adda maamliyadda iyo suuqyada Mareykanka Isniintii Shalay, laakiin waxaan la sheegin meelaha uu lacagtaa ku kala bixinayo  iyo cidda ka faa’ideysanaysa. Inta badan tabarucaadda uu bixiyo waxay aaddaa mu’asasadda samafalka ah ee la yiraahdo Bill and Melinda Foundation.

Tabarucaaddan cusub ayaa ah tii ugu ballaarneyd abid uu bixiyo Billionairekan reer Mareykan ee 61 jirka ah laga soo bilaabo sanadkii 2000, sanadkii 1999 ayuu bixiyay bixiyay 16 billion, halka uu bixiyay 5.1 billion isla sanadkii ku xigay.

Lacagaha tabarucaadda ah ee uu bixiyay Bill Gates laga soo bilaabo 1994 isku darkooda waxay gaareysaa 35 bilyan oo dollar.  Milkiilaha shirkadda Microsoft, Bill Gates ayaa Reuters u sheegay Axaddii in hay’addiisa Gates Foundation ay qorsheyneyso in ay $300 oo milyan ugu deeqdo dalka Tanzania ee dhaca Bariga Afrika.

Maandeeq FM

Related Articles

Close