WararkaWaxbarashada

Dowladda Imaaraatka oo Tababar Heersare ah U Fidisay Xirfadlayaal Soomaali iyo Yemen Iskugu Jira

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalkeeda ku martigelisay tababar sare loogu qaadayo tayada iyo xirfadda mihnadleyaal Soomaaliya iyo kuwo Yemen ah.

Emirates News Agency ayaa qortay in tababarkan oo socday muddo laba maalin ah, 14-15 August ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka iyo Ururka Indian Ocean Rim Association. Waxuuna tababarka ku saabsanaa hormarinta xirfadaha Kalluumeysiga iyo Bankiyada.

Fahad Cubeyd Altaffaq oo ah agaasimaha waaxda dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo madashii gabagabada tababarka  ka hadlay ayaa carrabka ku dhufta in kalluumeysiga uu yahay il-dhaqaale oo muhiim ah, taas oo ka qeybqaadan karta shaqo abuurka iyo yareynta baahida ee dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

Agaasime Fahad Cubeyd ayaa intaasi kusii daray in loo baahanyahay adeegyo iyo taageero maaliyadeed oo ay helaan kalluumeysatada iyo in bankiyada ay ka helaan fursado maalgashi iyo taageero.

Emirates News Agency oo wax-ka-qortay tababarkan ayaa xustay in kasoo qeybgalayaashii kala matalayay Soomaaliya iyo Yemen ay bogaadiyeen kulanka wax badanna ay ka faaideysteen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close