WararkaWaxbarashada

Guddoomiyha Gobolka iyo Ku Xigeenka Safiirka Masar oo Xarigga Ka Jaray Iskuulka 15 May, Waxbarashadu Waa Lacag La’aan

Waxaa Isniintii shaly dib loo furay Iskuulka 15 May oo la dacaytiray, Iskuulkan oo dhowr iyo Labaatan sanno xirnaa ayaa si lacag la’aan ah ardayda Soomaaliyeed waxa ugu barandoonaan sanad dugsiyeedka 2017/2018.

Iskuulkan ayaa waxaa  si  wadajir ah  xarigga uga jaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahn duqa Mugadisho Taabit Cabdi Axmed iyo ku xigeenka safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, maadama ay iskuulka wax ka dhigayaan macallimiin Masaari ah.

Zeynab Maxamuud Warsame oo ah guddoomiyaha degmada Warta-nabadda ayaa sheegtay in iskuulka muddo dheer furitaankiisa la sugayay uuna noqon doono mid guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ka wada faa’ideystaan:

“Waxaa sharaf weyn mudan oo aan rabaa in aan halkaan uga mahadceliyo, haddeysan ahaan laheyna aysan waxba noo suurtogali laheyn  gobolka banaadir, marka labaad shacabka xanaaneynaayey Iskuulkaan oo sugayay munaasabadii iyo dadkii mudnaa ee howshaan la wareegi lahaa, Iskuulka waxaa uu ka koobanyahay 23 Fasal oo midka ugu yar uu yahay shan mitir, Labo hool oo midkan oo kaleeto ah 5 xafiis aad aragtaan baraxadahaas waaweyn, dhammaantoodna uu noqon doon hadduu Ilaahay idmo mid loogu adeego ummadda Soomaaliyeed”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Mugadisho Thaabit Cabid Axmed ayaa sheegay in Iskuulkaan uu yahay mid muhiimad gaar ah iyaga u leh, dowladda Masarna uu uga mahadcelinayo in macalimiinta dhigeysa Iskuulka ay mushaaraadkooda ay bixineyso.

“Dhowr iyo Labaatan sano ka dib Iskuulka 15-May in dib loo furo waa taariikh weyn, midda kale oo ka maamulhaan gobolka banaadir taariikh noo ah waxaa waaye dib u furista Iskuulkaan oo 100% lacag la’aan ah, dowladda Masar anagoo uga mahadcelineyno macalimiinta Iskuulka dhigi doonta buugaagta Iskuulka lagu dhigi doona yunifoomka Iskuulka lagu dhigi doono waxwalba oo Iskuulka ku saabsan 100% waa lacag la’aan”.

Ugu dambeyn, dib u hawlgalinta Iskuulka 15-May ayaa waxay ka dhigan tahay guul  u soo hoyatay  dadka danyarta ah ee aan haysan waxay iskaga bixiyaan waxbarashada dalka oo inteedabadani lacag wax lagu barto.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close