WararkaWaxbarashada

Jaamacadda Ummadda iyo Golaha Shacabka DF Soomaaliya oo Heshiis Kala Saxiixday

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Soomaaliya ahna ku simaha guddoomiyaha Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey iyo guddoomiyeha jaamacadda Ummadda Dr. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa waxay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen heshiis wadashaqeyn ah oo dhexmaraya golaha shacabka iyo jaamacadda Ummadda.

Guddoomiyaha jaamacadda Ummadda Dr. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa ugu horreyn ka hadlay heshiiskan iyo waxa uu yahay:

“Maanta waxaa farxad jaamacadda Ummadda u ah iney halkaan ku saxiixdo heshiis iskaashi oo ay iskaashanayaan baarlamaanka federaalka ah ee golaha shacabka la iskana kaashanayo, bal sidii hay’adaha Qaranku wixii iyagu kala faa’idi karaan aan dibadda loo raadin bal horta waxaan anagu haysanno waxaan wada qabsan karno waxaan is tari karno bal horta inaan dhexdeenna ka raadsanno”.

“Jaamacadda Ummaddu maadaama ay tahay hay’addii waxbaradda dowladda Federaalka ah, golaha shacabkuna uu yahay hay’addii sharcidajinta iyo ilaalinta danaha Qaranka intuba waxay ku khasban yihiin iney wada shaqeeyaan, wixii dal shisheeyo loo raadin lahaa dalkaa shisheeye waxaan ka raadineyno waxaa laga yaabaa dadbaan oo yaqaannaa iney dalkeenna joogaan aana la is wareysanin, mal marka hore in la isku yimaaddo oo la yiraahdo maxaan haysanna maxaan dibadda uga baahan nahay.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa dhankiisa sheegay iney jaamacaddu tahay halbowlihii Qaranka, wixii karaankooda ahna ay la qabandoonaan:

“Waa meesha kaliya ee ah xudunta Ummadana ay horumarkeedu ku jirto Jaamcadda Ummadda, iyagana sida ay u garteen ayaan uga mahadcelinaynaa iyo dadaalka ay muujiyeen, jaamcadda magaceeda ayaa jiray laakiin waxay kasoo bilaabeen meel Eber ah, maanta waxaan filayaa in arday aad u tiro badani ay jaamacadda ku jiraan oo Kun iyo Dheeraad ah, hadan ay kuwo horleh soo geli doonaan, markaa faa’idooyin waaweyn waaye, anguna waan garab istaageynaa intii karaankaanaga ah”.

Howlgalka AMISOM ayaa 11, July, 2017,  ayaa waxay ku wareejiyeen wasaaradda waxbarashada XF Soomaaliya xarunta Gahayr oo saldhig milatari u ahayd ciidamada Burundi oo halkaa ku sugnaa  muddo 10 sano ah, Gahayr waa xaruntii ugu weynayd ee Jaamacadda Ummadda waxayna hadda u baahan tahay dhisme fiican in lagu sameeyo si arday farabadani ay fursad ugu helaan iney mar kale waxa ku bartaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close