WararkaWaxbarashada

Khabiir Ka Tirsan FBI oo Ka Hadlaya 7 Wadiiqo ee Dadka Lagu Soo Jiito

In badna oo inaga mid ah waxay culeys kala kulmaan sidii ay ku gaari lahaayeen quluubta dadka kale, gaar ahaan xilliyada yimaaddaan goob shaqo oo uu ku sucub amaba deegaan cusub ay u guuro, gaar ahaa qofku marka uu yahay mid xirxiran.

Majaladda Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa soo qortay talooyin uu soo jeedinayo Ryun Drake oo mar madax kasoo soo noqday qeybta hab-dhanqanka FBI Mareykanka, talooyinkii uu bixiyayna waxaa ka mid ahaa:

1 – Dadka kale dhaqankooda waxba haka sheegin, maxaa yeelay dadku ma jecla qofka wax ka sheega amaba farta ku fiiqa.

2 – Meesha ka saar Anaaniyadda iyo eragyga “Aniga”, dadka intooda badani waxay jecelyihiin iney ra’yigooda saxnimadiisa iney muujiyaan dadka kalena ay soo bandhigaan khaladkooda, cadaadan waa mid xiriirada wanaagsan ee dadka Asxaabta ah ka dhaxaysa disha, ra’yiga waa lagu kala duwanan karaa, waxaase muhiim ah in qof kasta ra’yigiisa lagu ixtiraamo.

3 – Dhageyso.

Dadku waxay sheegayaan si fiican u dhageyso adigoon ka kala goyn, madaxaaga u lux wixii ku cajab galiya, hadallo wanaagsan kula soco, marka uu dhameeyo qodobadii ugu muhiimsanaa ugu soo celi intii macquul ah, si uu u arko inaad si fiican u dhageysanaysid, kadibna su’asha aad doonto weydii.

4 – Su’aasha Ugu Habboon

Dhammaan dadka oo dhan waxay waajahaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah weydii qofka saaxiibkaaga ah ama noloshaadaha kugu dhaw, dhibaatooyinka dhanka shaqada iyo waxyaabaha kale oo haysta noloshiisa, dhammaan dhibaatooyin ayaan la kulannaa waxaanan jecelnahay inaan helno cid aan u sheeganno.

5 – Habdhaqanka Qofka aan Ku daneynayn

Mararka qaar waxaa dhici karta inaad la kulanto cid aan dan iyo muraad toona kaa lahayn, agjoogaagana aan ka helayn oo xoogaa jir diid ah uu ku jiro, u sheeg inaad ka agtagayso xoogaa yar kadib.

6 – Adeegso Luqada Jirka

Waxaa habboon inaad daraankaaga ku muujiso dhanka milicsiga jirkaaga, sida qosol yar oo dagan,  dhaqdhaqaaq qofku aanuu ka digeyn,Ogow luqada jirkaaga iyo sida aad ula falgasho qofka aad dhageysanayso waxay kaalin weyn ka qaadataa xiriirka wanaagsa.

7 – Sideed ula Mucaamileysaa qof aan kugu Kalsooneyn.

Isku day  inaadan ula dhaqmin dadkaas si adadag, marka aad la hadlayso warkaagu ha cadaado waxwalbana ha laga wadahadlo, waxay doonayaan weydii, si guud aasaaska xiriir kasta waxaa ah kalsoonida labada dhinac, sidaa darteed wax kastaaba iney kala caddaadan isku day marka hore.

Si kasta, dadku waxay jecelyihiin dhaqanka suubban oo marka aad dhaqankaaga wanaajiso iyaguna dhinacaaga ayay u soo iilanayaan oo way ku jeclaanayaan, waxaadse ogaataa xilli kasta in dhaqanka waanagsani uu naftaada u habboon yahay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close