iskuulladaWararkaWaxbarashada

Takhasusyo Aan Caan ahayn oo La Filayo Iney Noqdaan Mustaqbalka Suuqa Shaqada Adduunka

Marka aad ku fakareyso inaad jaamacad ku biirto, arday kastaa waxaa maskaxdiisa ku jira inuu ku biiro kulliyadaha Caafimaadka iyo Engeneerinka oo la aaminsan yahay in lagu gaarayo nolol dagan bulshadaduna ay kugu tixgelinayso. Iyadoo takhasusyadaa aan soo sheegnay ay muhiimaddooda leeyihiin ayaa hadana waxaa jira takhasusyo kale oo si aad ah looga baadi goobo suuqa shaqada oo qiimahood ku sarreeyo kuwaa hore.

Horumarka joogtada ah ee cilmiga iyo teknoloojiyadda suuqa shaqada xirfadaha looga baahan yahayna way isasii bedelayaan, waxaa soo baxay takhasusyo cusub oo la filayo iney noqdaan kuwa ugu qiimaha badna mustaqbalka ee la barto. Takhasusyadaa cusub ee la filayo iney suuqa qabsadaan waxaa ka mid ah.

1 – Nanotechnology

Qaamuuska Oxford ee dhanka luqadda Englishka cilmigan waxa uu ku fasiraa inuu yahay mid ka mid ah faracyada Teknoloojiyadda oo la mucaamila fogaan ka yar 100 Nano-mitir, Nano-Mitirkuna waxa uu le’egyahay qeyb Milyan Mililitir. Maadadan ayaa loo adeegsadaa in looga faa’ideysto maaddooyinka kale ee cilmiga sida Chemistry, Physics, iyo Sayniska walxaha yaryar iyo Engeneerin-ka.

2 – Biotechnology

Waa cilmi ku dhisan Sayniska Biology-ga, waxaana loo adeegsanayaa howlaha unugyada, waxaana waxaana lagu bartaa teknooljiyad loosoo saaro ee lagu hagaajiyo nolosha aadanaha

3 – Digital Marketing

Waa cilmiga barashada habka suuqgeynta loogu sameeyo waxsoosaarka ee dhinacyada baraha bulshadana e-maillada iyo barnaamijyada taleefanna qaabka xayaysiinta ah loo abuuro. Markaad kor ka eegto waxa uu kuula ekaanayaa cilmi fudud, laakiin waa cilmi u baahan xirfad sare si weynna maanta dunida waa looga tixgeliayaa.

4 –   Sameynta robot-ka (Robtic Engineering)

5 – Sayniska Hawada sare (Space Science).

Sayniskan ayaa ah mid daraaseeya dhibaatooyinka ay la kulmaan cirbixiyeennada, waa cilmi inta badan is weydiiya oo raadiyada su’aasha ah, ma bani’aadamka oo kaliya ayaa ah noolaha kaliya ee caqli leh ee dunida ku nool mise noole kale oo caaqil ah ayaa jira?

Si kastaba, takhasusyadan ayaa ah kuwo la leeyahay waxay ka sare marayaan takhasusyada hadda ugu sarreeya ee arday walba oo hami sare uu ku riyoonayo mustaqbalkiisa inuu helo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close