UncategorizedWacyigelinWararkaWaxbarashada

10 Waxyaabood oo Kaa Dhigaya Qof Asaaggii Ka Garaad Sarreeya

Waxaa dhici karta iney dhammaanteen ina saameysay oraahda ahayd “Caqliga waa lagu dhashaa” oo marar badan dhagaheenna kusoo duuli jiray yaraanteennii, markaa xaaladdu waxay u ekaanaysaa inaan caqliga badnaanta ku  dhalanno amaba aan noqoneyno dad iska caadi ah oo heerka garaadkoodu aanuu dhaafsiisaneyn kan dhexdhexaadka ah qiyaastay IQ-da.

Cilmibaarisyada dhawaangalka ah waxay sheegayaan arrin taa ka duwan, sida aan nolol-maalmeedkeenna u maareynno iyo howlaha aan qabanno maalin kastaa waa waxyaabaha caqligeenna saameeyta ku leh ee inaga dhigi kara kuwo caqli badan amaba kuwo heerka garaadkoodu aanuu dhaafiisaneyn kan caadiga ah ee dadku u badan yihiin.

Hadaba, marka uu qofi is weydiiyo su’aasha ah maxaan sameeyaa si aan asaaggay uga garaad sarreeyo?  Jawaabta su’aashaasi waa inaad u baahan tahay dalaal farabadan iyo inaad naftaada layliso in badan. sidaa darteed waxaan didiin soo gudin doonnaa 10 waxyaabood oo kaa dhigi kara, haddii aad howlmaalmeedkaaga ka mid dhigato qof asaaggi ka garaad sarreeya:

1 – Si caqliyeysan ula dhaqan wakhtiga aad ku qaadaneyso Internet-ka.

Wakhtiga tirada badan ee aad ku qaadaneyso Facebook-ga qaar ka mid ah ku bedel inaad wax ku barato caqligaagana aad aqoon cusub ku kordhiso.

2 – Maalin kasta qor waxa cusub ee aad kororsato ee aqoon ah.

Waxaad qoreyso waxay doonaan ha noqdaan, marka aad maalin kale dib u eegto waxaa xaqiiqo ah oo la hubaa inaad ku farxayso oo caqligaaguna uu ku fari doono inaad wax u kordhiso si joogto ah.

3 – Howlaha aad iyo Guulaha ay naftaadu gaarto qor.

Qeyb badan oo ka mid ah caqli badnaanta waxaa laga dhaxlaa farxad iyo kalsooni dhanka nafta ah, sidaa darteed waxaa la hubaa waxyaabihii aad qabatay marka aad qorto inaad dareemayso faraxad iyo kalsooni dheeri ah, taasina ay caqligaaga quudin waanaagsan u tahay.

4 – Ciyaar Games-ka caqliga ah.

Ciyaaraha dhanka caqliga ah ogow madadaalo oo kaliya lagama helo ee waxa ay kobciyaan garaadka qofka. Laakiin markasta iska ilaali inaad wakhti badan ku lumiso.

5 – Lasaaxiib dadka caqliga lagu xanto.

La saaxiib labo qeybood oo dadka ka mid ah qolo aad is leedahay waxay kaa qali badan yihiin si waxa ay ku dheeryihiin aad uga kororsato iyo kuwa kale ee aad is leedahay way kaa garaad hooseeyaan si aad hoggaaminta ku barato. Ogow, heerka caqliga qofka waxaa lagu qiimeeyaa 5 qof ee ugu dhow dhanka noloshiisa.

6 – Inbadan wax akhri

Waxaa la isku khilaafsan yahay buugaagta sida gaarka ah caqliga u kobciyaa nooca ay yihiin, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay in wax akhriska faraha badani uu caqliga iyo naftaba quudiyo qof heersare ahna ay kaa dhigto. Buug kasta oo aad akhriso soo koob oo waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad ka korarsato qor, waxaad ogaataa waxa maskaxdaada ku harayaa inuu yahay waxa aad sida gaarka ah u diiwaangeliso.

7 –  Dadka kale wax u sharrax

Wadada kaliya ee aan ku sugi karno waxa aan barannay isla markaana xasuustooda aan  maskaxdeenna ugu adkeyn karnaa waa inaan dadka  u sharraxno, wax kasta oo aad sharraxdo muddo dheer maskaxdaada kama go’aan oo wey ku raagaan.

8 – Samee waxyaabo cusub oo ka duwan kuwii caadiga ahaa.

Waxaa habboon inaan waxyaabo cusub tijaabinno, xitaa haddii aad aragto inaaney si toos ah kuu anfacayn.

9 – Baro Luqad Cusub

Si aad luqad kastaa ugu fiicanaato shardi maaha inaad aaddo dalkii looga hadlaayay oo aad safar u gasho, adigoo xafiiskaaga fadhiya ayaad baran kartaa.

Webside-yada luqadaha laga barto waxaa ka mid ah, WWW.busuu.com, Livemocha, Memrise.

10 – Wakhti badan naftaada la qaado.

Wakhtiyada fiican naftaada la qaado oo fakar, waxyaabaha aad gaartay, halka aad u socoto iyo waxyaabaha kaa dhiman, xisaabi naftaada.

Ugu dambeyn, waxaan idin kula talineynaa inaad akhrisaan buugga la yiraahdo “Sameynta Caqliga” ee uu qoray Dr. Daariq Al-Suwaydaan, waxaa buuggan ku qoran 400 oo layli iyo hal-xiraale loogu talogalay kobcinta hal-abuurka iyo koritaanka garaadka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close