TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Adeegga Keydka Daruuraha ee Cloud Services oo Laga Hirgeliyay Magaalada Hargeysa

Shirkadda isgaarsiinta Telesom ayaa magaalada Hargeysa  markii ugu horreysay ka hirgaliyay adeeg cusub oo la yiraahdo Telesom Cloud oo si gaar ah u khuseeya dadka xogaha keydsada ee goobaha ganacsi waxbarasho iyo cid kasta oo daneynaysaa ka faa’ideysan karto.

Adeeggan ayaa daahfurkiisa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirro, xarunta Cilmibaarista Somaliland, agaasimaha komishanka ICT-ga, shirkadaha ganacsi kuwooda ugu waaweyn, jaamacadaha, hay’adaha kale ee maxalliga ah, mas’uuliyiinta warshadaha yaryar, shirkadaha IT-ga ka shaqeeya iyo marti sharaf kale oo farabadan.

Agaasimaha horumarinta bulshada ee shirkadda Telesom suuqgeynta shirkadda Cabdiwahaab Maax ayaa faahfaahiyay ulajeedka iyo faa’idooyinka uu leeyahay adeeggan cusub, waxaanuu yiri:

“Maanta waxaan  u joognaa inaan daah-furno adeeggan cusub ee loo bixiyay Cloud computing, waa teknolojiyad dunida kusoo korordhay, sanadkii 2009, waa teknoloojiyad si gaar ah u khuseysa dadka xogta kaydsada ama ganacsato ha noqoto ama dowlad ha noqdo, cid kasta oo xog kaydisa ayay khusaysaa, kiro yar ayuunbaad bixineysaa daadeedna waxaas oo dhan way kuu kaydsan yihiin, haddii burbur dhaco iyo haddii balaayo dhacdo iyo haddii wax kastaa dhacaan meel kale ayuunbaad tageysaa waxaagii waa sidiisii oo way kuu shaqeynayaan.”

Shirkadda ayaa adeegeeda Cloud iyo 10 computer ugu deeqday iskuulaadka ay ganacta ku hayso Xukuumadda si ay ula tartamaan kuwa kale ee gaarka loo leeyahay oo ka hormarsan dhanka teknoloojiyadda.

cloud

Si kastaba, adeeggan cusub ayaa ah mid ay si wanaagsan uga faa’idi doonaan shirkadaha sida maalin laha ah u keydiya xogta oo ay ka mid yihiin warbaahinta, waxbarashada iyo cid kasta oo ka shaqeysa xog uruurinta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close