WararkaWaxbarashada

Arday Soomaaliyeed oo Wax ka Barta Kuuriyada Koonfureed oo Ka Hadlaya Deeqaha Waxbarasho Ee Dalkaa Laga Helo

Cabdiraxmaan Cusmaanoo ah arday Soomaaliyeed oo wax ka barta Kuuriyada Koonfureed ayaa ka warramaya xaaladda waxbarasho ee dalkaasi taalla, ardayda Soomaaliyeedna waxa uu ugu baaqay iney soo dalbadaan deeqaha waxbarasho ee dowladda Kuuriya bixiso.

Cabdiraxamaan ayaa marka hore waxa uu ka hadlay kala duwanaashiyaha wixii uu filayay iyo xaaladda soo dhaweynta ah ee Kuuriya kala kulmay, waxaanuu yiri:

“Run ahaantii markii aan imanayay waxaanu is lahayn waxaad la kulmeysaan carqalad weyn maadaama uu dalkeennu awood ahaan uu iska yar daciif yahay, run ahaantii baasaaboorkeenna ama ardayda Soomaaliyeed marka la arko si aad ah ayaa loo ixtiraamayaa, waxaanan la simannahay ardayda kale ee caalamiga ah ee adduunyada ka kala timid.”

Waxa uu sheegay tilmaamay in Kuuriyada Koonfureed ay sanad walba qaataan arday 1000 ku dhawaad ah oo deeq waxbarasho dalkaa ku taga, waxaanuu baaq u diray ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaca leh:

“Waxaan dhigannay institute waxaa dhiganayay 120 waddan arday ka kala timid, waaxaan kaga duwanaa ma’aaney jirin, ardayda Soomaaliyeed aad iyo aad baa loosoo dhaweeyaa, dalkan Kuuriya waxa uu bixiyaa Deeqo Waxbarasho KGSP, Korean government Scholarship Program oo sanad kasta waxay qaataan 700-1000 arday, markaa ardayda Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa iney soo xareystaan jaanis fiican baa ku jira, hadda ardaydii timid qaarbaa hadda P.H.D diyaarinaya, qaarmaa Master kale diyaarinaya, waxbarashada dalkan tayadeedu aadbay u sarreysaa.”

Waxa uu xusay in safarka ardayda ee dalkaasi ay sahlan tahay oo ardayda qaar ay safarro dalxiis ah ku kala bixiyaan dalalka Japan, China iyo Malaysia:

“Xilliga fasaxa waxaad soo mari kartaa dalal badan adigoon tusaale ahaan visa u baahneyn, waad ka bixi kartaa dalka waad soo gali kartaa, ardayda qaarbaa Japan taga, qaarabaa Malaysia taga soo noqda, China taga soo noqda, markaa waxaan leeyahay baasaaboorkeenna waa baasaaboor dhaqaaqay ardayda Soomaaliyeed ee halkan joogata wax carqalad ah lama kulmaan”.

Dhibaatada kaliya ee uu qofku waajahayo ayaa ah sida uu Cabdiraxmaan sheegayo dhaqanka dadka oo aad u xirxiran:

“Dhibaatooyin waxaad kala kulmeysaa dhaqanka oo kale, dadkaan dhaqankoodu waa mid adadag, Muslimiintu way ku yaryihiin, tusaale waxaan hadda jogogaa magaalo loogu magac daray boqorkii dalkan dhisay, markaad cunto xalaal ah u baahan tahay dadku way ku garabsiinayaan oo way kusoo dhaweynayaan, midabkaaga madowga ah dadka wax takoor ah kalama kulmaysid, waa waddan furan oo ilbaxnimadu gaadhay oo teknoloojiyddu meel sare gaadhay.”

Ugu dambeyn, ardayda Soomaaliyeed aad ayay ugu baahsan yihiin dunida daafaheeda dalka kasta oo caalamka ah waxaa jooga arday Soomaaliyeed oo u babac dhigay duruufta Juqraafiyadeed iyo midda dhaqan ee dalalkaasi ay leeyihiin.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close