CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cilmibaaris: Shaqo La’aanta oo Dhaanta Shaqooyinka Qaar!!

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka baagamuundada ah ay ka caafimaad wanaagsan yihiin asaagoodda haya shaqooyinka adag ee dhibka badan.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyay joornaalka caalamiga ah ee Epidemiology-ga,  ayaa sheegaysa in dadka  qaangaarka ah ee shaqo la’aanta ah ay ka caafimaad wanaagsan yihiin asaagooda haya shaqooyinka adag,  xilli kasta waxay halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurrada wadna xanuunka la xiriira.

Dadka shaqada adag gacanta ku haya ayaa xilli kasta kolestoroolkoodu uu sarreeyaa, intaa waxaa u siidheer iney si taban jirkoodu u keydiyo baruurta, iyadoo maaddooyinka dhiig-xinjirowga keenaana uu dhiiggooda ku bato.

Marka uu kolestarool-ku jirka ku bato waa halis korortay oo dhanka cudurada wadnaha ah, halka dhiig-xinjirowgu uu keeno in sambabahu ay xirmaan oo xaaladdu halis isku bedesho.

Cilmibaare ka tirsan jaamcadda Manchester ayaa sheegay iney tijaabooyin ku sameeyay 1116 qof oo da’doodu u dhaxayso 35-75 sano, kuwaas oo shaqo la’aani haysay 2009,2010, iyadoo si joogto ah loola socoday sanadadii 2010,2012 kii shaqada helay iyo kii kale.

Dadkii darasaddan ka qeybgalay ayaa laga qaaday tijaabooyin xagga dhiigga ah, waxaana la eegay saameynta uu noloshooda ku leeyahay daalka dhanka shaqada ah ee ay la kulmaan,  waxaa lala socoday heerka kolestaroolka jirkooda, cadaadiska dhiigga, iyo heerka garaaca wadnaha. Sidaas oo kale waxaa la eegayay heerka qiimaha shaqo iyo mushaaraadka ay qaataan.

Waxaa la arkay in dadka shaqada adag hayaa ay sonkorta iyo kolestaroolkuba ay jirkooda ku bateen, waxaana la arkay in nooca shaqada xun ay caafimaadka u daran tahay.

Cilmibaarayashu waxay sheegeen in caafimaadka maskaxda aaney waxba iska bedelayn xilliyada shaqo la’aanta ah iyo xilliga shaqada adag toona.

Sources: Daily Mail

Maandeeq FM

Related Articles

Close