WararkaWaxbarashada

R’iisul-wasaare Kheyre oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xarigga ka jaray xaruntii Wasaaradda Waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo dib u dacaytir iskaa wax u qabso ah lagu sameeyay.

Munaasabad xariga looga jaray Xarunta Wasaaradda ayaa waxay ka dhacday Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdi Daahir Cismaan iyo Wasiiro kale.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Sonna, shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada ayaa suurtogeliyay in xaruntaan dib loo furo ka dib Dayactir iskaa wax u qabso ah oo ay ku saameeyeen.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdi Daahir Cismaan oo Munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa ku ammaanay shaqaalaha wasaaradda sida ay iskugu xilsaareen inay dayactir ay ku sameeyaan Xarunta wasaaradda, isagoona sheegay in arintaan kaalin muhiim ah ay ka qaadaneyso waxbarashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen shaqaalaha wasaaradda waxbarashada, isagoona ugu baaqay wasaaradaha kale inay ku deysadaan Talaabadaan oo door muhiim ah ka qaadaneysa hormarka dalka.

Masuuliyiinta kale ee madasha joogay ayaa dhamaantood guul ku tilmaamay xaruntaan dib loo furay, waxaana ay si weyn u bogaadiyeen shaqaalaha wasaaradda.

Ugu dambeyn, Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhiiri galiyay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada in hawlahooda ay balaariyeen, isla markaana la gaarsiiyo Gobolada dalka, si umada Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho Tayo leh iyo adeeg wanaagsan.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close