arrimaha bulshadaCaafimaadkaWararka

Todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo laga Xusay Magaalada Garowe

Munaasabad lagu maamuusayo todobaadka Naas-nuujinta Adduunka ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Munaasabaddan oo la qabtay Talaadadii shalay 15 August, 2017 ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda Puntland, hay’ado caalami ah, xirfadlayaal caafimaad iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Dr Siciid Shanlleeye oo ka hadlay xafladda ayaa ka hadlay nooca Naas-nuujinta looga baahan yahay hooyadu iney u sameyso ubadkeeda yar, isagoo tilmaamay in ilma kastaa oo 4 bilood ka yar oo caano-booro lasiiyo uu khatar ugu jiro inuu cudurka Sonkorta uu ku dhaco:

“Cunug kasta oo ka yar 4 bilood ee la siiyo Caano-boore, wuxuu halis ugu jiraa iney ku dhacdo Sonkor”, waxaanuu ku baaqay Dr in tacliinta iskuulaadka lagu barto Naas-nuujinta oo manhajka waxbarasho lagu daro si ay dadku ugu baraarugaan qiimaha ay Naas-nuujintu leedahay.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland  Cabdinaasir Cusmaan oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa ka hadlay qiimaha Naas-nuujintu u leedahay ubadka, hooyo kasta oo u badkeeda si waangsan u nuujisaana aaney la mid ahayn hooyooyinka kale ilmaha yar ee si wanaagsan loo Nuujiyaana aanuu la mid noqoneyn ilmaha kale ee aan helin naas-nuujinta wanaagsan.

Dunida ayaa sandwalba xilligan oo kale u dabaaldagta Isbuuca Naas-nuujinta 1-7 August oo looga dabaaldago illaa 170 dal, si hooyada loogu dhiirigeliyo iney si dabiici ah ilmeheeda u nuujiso, caafimaadka ilamahana loo kobciyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close