WararkaWaxbarashada

W. Waxbarashada Somaliland oo Ka Warbixisay Waxyaabihii Ay Kasoo Kororsadeen Safar Ay Ku Gaareen Dalka Uganda

Xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada Somaliland oo booqasho ku tagay dalka Uganda ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay kasoo kororsadeen wasaaradda waxbarashada dalkaas.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa waxaa ka qeyb ahaa xubno ka tirsan agaasimye waaxeedyada wasaaradda iyo maamuleyaasha dugsiyda Boodhinka ah ee Somaliland ayaa waxaa maalintii shalay lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal , ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uga soo qabsoomay safarkooda iyo sida qiimaha badan oo ay uga soo faa’ideysteen habsami u socodka waxbarashada dalka Uganda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Abokor Maxamed oo isagu wafdiga hogaaminayay ayaa ka hadlay labo sababood oo safarkooda ugu muhiimsanaa, waxaanuu yiri:

“Safarkan Labo ulajeeddo ayaa ugu waaweynaa, midi waxay ahayd maadama wasaaraddu ay tayaynta tacliinta muhiimadda saareyso inaan soo eegno iskuullada Bodinka ah ee dalka Uganda,  nidaamka iyo qaabka ay u shaqeeyaan kadibna aan ku dabaqno waxyaabaha aan kasoo korosannay waddankeenna. Takale waxay ahayd si guud waxbarashada dalka Uganda nidaamkeeda iyo heerarkeeda kala duwan inaanu soo indha indheynno soona eegno, runtii safarkaasi si aad u qiimo badan ayuu noogu dhacay,  goobihii aanu tagnay iyo iskuulladii nala geeyay dhammaantood waxay noqdeen qaar aan khibrad badan kasoo kororsannay, gaar ahaan maamulayaashii shaqada ganacta ku hayay.”

Agaasimaha ayaa sidoo kale tilmaamay iney la kulmeen madaxda wasaaradda waxbarashada Uganda isla markaan ay isla afgarteen in iskaashi uu dhex maro labada wasaaradood, casuumaadna ay u fidiyeen:

“Sidoo kale waxaan la kulannay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare madax ka tirsan, waxaanuu kala hadalnnay sidii xidhiidh loogu sameyn lahaa wasaaradda waxbarshada ee Uganda iyo wasaaradda waxbarashada ee Somaliland waa naga aqbaleen iney halkan iyaguna safar ku yimaaddaan xaaladana la indho indheeyaan, waxyaabaha aan iska kaashan doonana aan runtii ka wadahdalno.”

Ugu dambeyn, Dalka Uganda oo ardaydu ay ku tagi jireen baasaaboorka Somaliland ayaa hadda ay dhibaato ku noqotay arrintaasi kadib shuruuc cusub oo kasoo baxay waaxda socdaalka Uganda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close