WararkaWaxbarashada

Culumada Physics-ka Xidigaha oo Saadaaliyay Xilliga Aadanaha La Rogayo!

Caalimka dhanka Physics-ka xidigaha ku takhasusay, hadana wax ka dhiga cilmiga xisaabta jaamacadda “Arkansas”  professor Daniel Whitmire ayaa sheegay in aadanahu ay 100 sano gudahood ilbaxnimadoodu ku baaba’ayso.

Jornalka caalmaiga ah ee Neurobiology-ga ayaa soo daabacay maqaal uu qoray caalimkan oo sheegay inuu gaaray natiijo (conclusion) ah in aadanaha uu yahay kan ugu dib dhicsan dhanka teknoloojiyadda, maxaa yeelay horumarka tamarta Nukliyeerka iyo gaarista hawada sare waxay suurtogashay 100 sano ee lasoo dhaafay oo qura.

Ilbaxnimada dhanka teknoloojiyadda ah ee la gaaray waxay ka dhigan tahay ayuu leeyahay in aadanuhu uu sii adkeeyay xukunka dhulka, waxa uu dagaal ku qaadayaa hawada sare uu wasakheeyo waxaanuu hadda u diyaargaroobay inuu ku duulo xidagaha kale oo u wasakheeyo, waxaanuu sameynayaa dunida kor saaran tan dabiiciga ah, xilli noloshii hore waxa hagaa uu ahaa Falsafadda.

Cilmiga xidigaha ayaan dhigayay muddo 37 sano ah, waxaan mudada dheer u sheegi jiray ardaydayda tirakoobyada aan sameeyo, 100 sano ee lasoo dhaafay ayaan teknoloojiyadda helnay horumarkaana aan sameynnay, laakiin waxaa jirta ilbaxnimo kale oo aad inooga hormarsan oo malaayiin sano inaga horreysa”, ayuu yiri Whitmire.

Hawada sare way ballaran tahay si aan la fahmi karin, iyadoo ay jiraan billion meerayaal oo kale, oo aan laga waayayn nolol caqli leh, oo ilbaxnimada ka jirtaana ay aad u horumarsan tahay.

Si kastaba, caalimkan ayaa sheegay in mabda’ statistical oo loo yaqaanno Mediocrity, waxa uu tilmaamayaa ayuu leeyahay in probability-ga suurtagalnimada ay aad u yartahay in Hal-xadaarad wax ka badan ay dunida ka jiraan hal mar. taasi waxay ka dhigan tahay ayuu leeyahay in ilbaxnimo ay meesha ka baxdo si midkale u dhisanto, taasina ay ka dhigan tahay in ilbaxnimada aadanuhu ay gabagabo ku dhawdahay.

Caalimku waxa uu soo bandhigay graph gambaleylka oo ay ku sawiran yihiin dhammaan ilbaxnimadii hore ee aadanaha uu ku caddaynayo in ilbaxnimada aadanaha ay ka harsan tahay oo qura 100 sano.

Ilbaxnimo da’deedu ay Eber ka yaraato suurtogal maaha, waxaase dhici karta iney jirto in aan dhammaad lahayn, halka ay dhici karto in cimriga ilbaxnimadu uu 500 sano gaaro.

Si kastaba, Caalimkan Daniel Whitmire ayaa cilmibaaris uu sameeyay ku gaaray natiijada ah in aadanaha cimrigiisa uu ka harsan yahay 100 sano oo kaliya, waana sida uu natiijada ku helay waa aragti oo kaliya, way saxmi kartaa khaladna way noqon kartaa, laakiin waxa maqan qof bani’aadam ah si sahlan kuma ogaan karo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close