arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dadka Ayuu ku Qancinayay Inuu Yahay Taallo Muddo 30 sano ah..Muxuu Ku Ogolaaday Shaqadan Layaabka leh?!

Wali hore ma u maqashay taallada nool ee India, waa oday 54 jir ah oo lagu magacaabo Cabdul al-Casiis, waxa uu ku noolyahay dalka India, shaqadiisuna waxay tahay shaqooyinka ugu layaabka badan dunida, taas oo wax u dhigma aan laga helay dunida inteeda kale.

Cabdil al-Casiis shaqadiisu waxay tahay inuu taallonimo ku shaqeysto muddo 30 sano ah ayuuna shaqadaa hayay oo uu dadka kale ku qancinayay inuu yahay taallo nool oo aan  marnaba is dhaqaajineyn. asal ahaanna waxaa loogu talogalay in kumanaanka qof ee dalxiiska u imana dalka India uu madadaalo u noqdo.

Maalin kasta waxa uu istaagaa 6 saacadood oo xiriir ah isagoo sidii taallo oo kale ah, isma dhaqaajiyo, iyadoo ay jirto iney dadku isku dayaan iney ka qosolsiiyaan amaba ay in yar oo dhaqaaq ah ka helaan ayaa hadana waxa uu leeyahay sugnaanshiyo aan wax loo dhigaa jirin, kaalinta taalonimana si aad ah oo heer sarreysa ayuu uga soo baxay.

Shaqadan waxa uu bilaabay sanadkii 1985-tii oo xilligaa shaqada loo qaatay kadib markii uu soo maray 3 bilood oo tababar adag ah imtixaan adagna uu kasoo gudbay, taalonimada ayuu shaqo ka dhigtay waanuu ka libin keenay.

Cabdil al-Casiis maaha qofka kaliya ee  shaqadan haya laakiin waa kan ugu xirfadda sarreeya ee ugu fiican mihaddiisa oo kale dunida.

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close