WararkaWaxbarashada

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada oo Eedayn Usoo Jeedisay Maamullada Dugsiyada Gaarka ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Hobane ayaa eedayn usoo jeediyay maamullada dugsiyda gaarka ah oo uu ku tilmaamay inaaney mas’uuliyaddii loo baahnaa iska sareyn tayada waxbarasha.

Kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeybgalay maamulayaasha dugsiyada waxbarashada ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa hoos yimaadda xukuumadda, waxaana looga hadlayay waxyaabihii  ka qabsoomay qodobaddii wasaaradda ay kasoo saartay tayaynta waxbarashada Somaliland.

Wasiir Hobane goobta halad dheer ka jeediyay ayaa ugu horreyn ka hadlay qodobadii ay ku heshiiyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo maamulayaasha waxbarashada gaarka ah ee aan wali waxba laga fulin, waxaanuu yiri:

“Waxaan muddo badan ku wadahadalnay dugsiyada gaarka ah in saacadaha ardaydu wax bartaan la kordhiyo, adduunka markii la qiyaasay saacadaha inagaa ugu saacado yaraannay, sanadkii waxaan 150 maalmood gaadhin ayuu noqday sanadkii, arrintaa madaxweynaha markii aan warbixinta siinnay waxa uu yiri wax halaga bedelo, weynu ka bedelnay, waxaan niri xisaskii hala kordhiyo, mowduucyo cusub baan kusoo kordhinnay, fisical education, khamiistii in la shaqeeyo, wax alaaliyo waxaad kasoo qaaddeen ma jirto.”

Wasiirku waxa uu  ku dhaliilay waxbarashda gaarka loo leeyahay  in ay dantooda ugu weyn ay tahay sidii ay lacagta ardayda laga qaado ay ku heli lahaayeen oo qura, laakiin aaney mas’uuliyda iska saareyn tayada Waxbarashada:

“Dugsiyada gaarka ahi lacagta in loosoo dedejiyo ayunbay jecelyihiin oo fasaxa loo gaabiyo, laakiin in xisaskii la ballaariyo khimiistii inaad shaqeysaan, galaaskii inaad tiro go’an ka dhigtaan, ma ogolidiin, been ma sheegayo, galaasku waa 100 ama waa 80, khamiista ma timaaddaan, xisaduhu waa intii yareyd oo koobneyd un, hadana idinkaa ugu dacwad badnaa oo waxaad lahaydeen saacadaha ardayga iyo macallinku kulmaan wey yartahay wax halaga bedelo taladiinnii baan qaadannay hadana halkan ayaad iska dhigteen, dee arrinkaa waan ku xisaabtamaynaa markaa, waxaa aan halkaa ka sheegayo kormeer baa imandoona, kormeer khaas ku ah dugsiyada gaarka ah.”

Wasaiirka ayaa sheegay iney sanadkii hore kormeer farabadan ay ku sameeyeen Waxbarashada ay xukuumadoodu gacanta ku hayso islamarkaan ay heleen arday si sharcidarro ah ku fadhida iskuullaadka qaar, sidaa darteedna sanadkan ay waxbarashada gaarka ah u sameynayaan kormeer u gaar ah oo la xisaabtama waxbarashada gaarka ah.

Si kastaba, Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa wadda ol’ole ballaaran oo lagu xaqiijinayo tayada waxbarshada oo la tilmaamay in sanadadii dambe hoos u dhacweyni uu ku jiray.

Maandeeq FM

Related Articles

Close